
Ciid Wanaagsan
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka meel kasta oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga. Waxaan Alle ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii aan gudannay intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Waxaan isku boorrinaynaa dhammaanteen in aynu maalmahan khayrka iyo farxadda badan si buuxda u garab istaagno Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo Alle ka sokow suurta geliyey in aynu nabad ku cibaadaysanno. Sidoo kale, dagaalka xaqa ah kula jira cadowga Khawaarijta ah ee ku soo duulay dadkeenna, dalkeenna iyo diinteenna.
Ugu dambeyn, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu ciiddan ciiddeeda kale innagu gaarsiiyo caafimaad qab, amni iyo barwaaqo.
Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin!

Indonesia























