Jubaland State House

1.5K posts

Jubaland State House banner
Jubaland State House

Jubaland State House

@JSStatehouse

The Official Account Of The State House of Jubaland State of Somalia.

Kismayo, Jubaland Inscrit le Haziran 2009
9 Abonnements25.9K Abonnés
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland. Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah. Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.
Eesti
3
3
13
1.1K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah. Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
0
1
4
598
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Indonesia
1
2
5
843
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
9
21
48
7K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku bogaadiyay haweenka Jubaland dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in dowladdu ay sii xoojin doonto taageerada haweenka si ay uga qeyb qaataan horumarka guud ee Jubaland
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
1
1
1
181
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Carwadan ayaa ahayd mid lagu muujinayay kartida, dadaalka iyo kaalinta muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay ganacsiyo kala duwan, farsamooyin cusub iyo badeecooyin ay sameeyeen haween ganacsato ah.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
1
1
2
257
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qeyb galay Carwo lagu soo bandhigayay doorka haweenka ee ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha Jubaland, taas oo lagu soo bandhigay hal-abuuro kala duwan oo ganacsi oo ay hormuud ka yihiin haweenka Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
5
9
27
3.2K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
WAR-SAXAAFADEED KISMAAYO, 04 MAARSO 2026
Jubaland State House tweet media
Nederlands
5
6
28
4.9K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland iyo Golaha Xukuumadda Jubaland, kaas oo si qoto dheer loogu lafaguray xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka halka dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga, midnimada mowqifka Jubaland, iyo ilaalinta heshiisyadii iyo habraacyadii saldhigga u ahaa wax ka badalka Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax ka beddel kasta uu ku yimaado is-afgarad iyo wadatashi buuxa oo loo dhan yahay.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
3
8
25
3.4K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta xarigga ka jaray qeybo cusub oo lagu kordhiyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland. Xafiisyadan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hannaanka shaqo, korna loogu qaado tayada iyo hufnaanta adeegyada ay Wasaaraddu bixiso. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada joogtada ah ee Wasaaraddu wado, isaga oo ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda inay sii laba jibaaraan dadaallada ku aaddan horumarinta kaabayaasha biyaha iyo tamarta.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
2
7
23
1.1K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan wadatashi ah ku casuumay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland.
Jubaland State House tweet media
Eesti
0
4
14
983
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Doontan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu sameeyo gudaha dalka, ayaa la filayaa inay ka howlgasho xeebaha Jubaland, iyadoo door weyn ka qaadan doonta horumarinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shirkadda Sommarine Limited, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo farsamada ay ku hormarinayaan wax-soo-saarka gudaha, isla markaana ku dhiirrigeliyay maalgashadayaasha kale inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee ka jira kheyraadka badda Jubaland
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
1
0
4
406
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E @PresidentMadobe ayaa maanta ka qeybgalay bandhigga doon casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Sommarine Limited oo ah shirkad farsamaysa qalabka badda.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
7
15
67
5.7K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo ay ka qeybgaleen tartamayaal ka kala yimid deegaanada kala duwan ee Jubaland, kuwaas oo ku tartamay xifdinta iyo aqoonta Quraanka Kariimka. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo kartida dhalinyarada ka qeybgalay tartanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan barashada, xifdinta iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Dowladda Jubaland siinayso kobcinta diinta Islaamka iyo dhiirrigelinta tartamada noocan oo kale ah oo sare u qaadaya aqoonta, akhlaaqda iyo wacyiga bulshada. Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guuleystayaasha kaalmaha hore ka galay tartanka 30ka Juz iyo 20ka Juz. Maxamed Cabdulwahaab Axmed oo kaalinta koowaad ka galay tartanka 30ka Juz ayuu Madaxweynuhu ku abaalmariyay gaari Surf ah, halka Maxamed Nuur Maxamed oo galay kaalinta labaad lagu gudoonsiiyay gaari Succeed. Cabdulkariim Cali Aadam oo kaalinta saddexaad galay ayaa lagu abaalmariyay lacag dhan $2500, kaalinta afraadna waxaa gashay Amran Axmed Yuusuf oo lagu abaalmariyay $1500, halka kaalinta shanaad ay gashay Ifraax Maxamed Abshir oo lagu abaalmariyay $1000. Dhanka tartanka 20ka Juz, kaalinta koowaad waxaa galay Yaasiin Maxamuud Nuur oo lagu abaalmariyay gaari Premier, kaalinta labaadna waxaa galay Ibraahiim Cusmaan Cabdullaahi oo lagu abaalmariyay $2000. Sagal Yuusuf Maxamed oo kaalinta saddexaad gashay ayaa lagu abaalmariyay $1500, halka Cabdulmaalik Xasan Iimaan oo galay kaalinta afraad lagu gudoonsiiyay $1000, ugu dambeyntiina Cabduraxmaan Mukhtaar Maxamed oo galay kaalinta shanaad ayaa lagu abaalmariyay $700. Qaar kamid ah guulaystayaasha oo aan goobjoog ahayn munaasabadan ayay waalidkoodu u gudoomeen abaalmarinta. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ay ku bixisay qabsoomidda tartankan, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Mu’asasada Ummah iyo dhammaan culimada juhdiga ku bixisay hirgelinta iyo taabagelinta tartankan qiimaha leh. DHAMMAAAD.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
0
6
32
2.1K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa maanta kulan ku qaabilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
3
9
52
4.7K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo booqasho ugu yimid.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
0
4
48
3.4K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeybgalay kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayay jihada mustaqbalka dalka, xoojinta wada-hadalka siyaasadeed, iyo adkeynta dowlad-dhiska.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Indonesia
5
8
30
2.2K