Ahmed Sheikh Mohamed Islam

363 posts

Ahmed Sheikh Mohamed Islam banner
Ahmed Sheikh Mohamed Islam

Ahmed Sheikh Mohamed Islam

@PresidentMadobe

Official @X account of the President of Jubaland State of Somalia.

Kismayo, Jubaland State Katılım Eylül 2020
4 Takip Edilen115.4K Takipçiler
Sabitlenmiş Tweet
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Waxaan maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), xaruntan ayaa si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Filipino
8
17
76
11.8K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweetledi
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
9
21
48
7K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweetledi
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E @PresidentMadobe ayaa maanta ka qeybgalay bandhigga doon casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Sommarine Limited oo ah shirkad farsamaysa qalabka badda.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
7
15
67
5.7K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweetledi
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo ay ka qeybgaleen tartamayaal ka kala yimid deegaanada kala duwan ee Jubaland, kuwaas oo ku tartamay xifdinta iyo aqoonta Quraanka Kariimka. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo kartida dhalinyarada ka qeybgalay tartanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan barashada, xifdinta iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Dowladda Jubaland siinayso kobcinta diinta Islaamka iyo dhiirrigelinta tartamada noocan oo kale ah oo sare u qaadaya aqoonta, akhlaaqda iyo wacyiga bulshada. Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guuleystayaasha kaalmaha hore ka galay tartanka 30ka Juz iyo 20ka Juz. Maxamed Cabdulwahaab Axmed oo kaalinta koowaad ka galay tartanka 30ka Juz ayuu Madaxweynuhu ku abaalmariyay gaari Surf ah, halka Maxamed Nuur Maxamed oo galay kaalinta labaad lagu gudoonsiiyay gaari Succeed. Cabdulkariim Cali Aadam oo kaalinta saddexaad galay ayaa lagu abaalmariyay lacag dhan $2500, kaalinta afraadna waxaa gashay Amran Axmed Yuusuf oo lagu abaalmariyay $1500, halka kaalinta shanaad ay gashay Ifraax Maxamed Abshir oo lagu abaalmariyay $1000. Dhanka tartanka 20ka Juz, kaalinta koowaad waxaa galay Yaasiin Maxamuud Nuur oo lagu abaalmariyay gaari Premier, kaalinta labaadna waxaa galay Ibraahiim Cusmaan Cabdullaahi oo lagu abaalmariyay $2000. Sagal Yuusuf Maxamed oo kaalinta saddexaad gashay ayaa lagu abaalmariyay $1500, halka Cabdulmaalik Xasan Iimaan oo galay kaalinta afraad lagu gudoonsiiyay $1000, ugu dambeyntiina Cabduraxmaan Mukhtaar Maxamed oo galay kaalinta shanaad ayaa lagu abaalmariyay $700. Qaar kamid ah guulaystayaasha oo aan goobjoog ahayn munaasabadan ayay waalidkoodu u gudoomeen abaalmarinta. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ay ku bixisay qabsoomidda tartankan, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Mu’asasada Ummah iyo dhammaan culimada juhdiga ku bixisay hirgelinta iyo taabagelinta tartankan qiimaha leh. DHAMMAAAD.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
0
6
32
2.1K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Waxaan uga tacsiyaynayaa ehelkii, qaraabadii, iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Aadan Maxamed Axmed, oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Jubaland isla markaana ahaa oday dhaqan oo muddo dheer u taagnaa nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo walaalaynta bulshada. Marxuumku wuxuu door weyn ka soo qaatay dhismaha Dowladda Jubaland iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada. Wuxuu ahaa tiir muhiim u ahaa nabadda iyo dowlad-dhiska, waxaana taariikhda Jubaland ku xusan doorkiisii iyo dadaalkiisii hagar la’aanta ahaa. Waxaan Alle uga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Jubaland ee uu ka baxay. Aaaamiiin.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Eesti
12
5
27
2.8K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Walaaladay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi Waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland. Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Filipino
38
24
151
32.9K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
PRESS RELEASE ​The Jubaland State Government expresses its profound disappointment and condemnation regarding the irresponsible decision made today, which placed the advance delegation and the President of Jubaland's security detail in direct danger. This occurred after the Federal Government of Somalia denied their aircraft entry into the airspace of Aden Adde International Airport in Mogadishu. ​At the onset of the journey, the flight which departed from Sayid Mohamed Abdille Hassan International Airport in Kismaayo had been officially communicated to the Civil Aviation Authority, the conference organizing committee, and the Federal Government's security agencies. However, as the aircraft approached its landing in Mogadishu, a sudden order was issued for it to return to Kismaayo, without any verification of whether the plane had sufficient fuel for the return trip. This action reflects a significant lack of responsibility and a hostile decision that jeopardized the lives of the advance delegation. ​Furthermore, two civilian aircraft carrying passengers were also turned away from Mogadishu's airspace today, further illustrating the risks and chaos resulting from these measures. ​It is evident that the Federal Government, by dragging its feet on the Mogadishu Consultative Meeting, is committed to using every means possible to cancel the summit. This behavior demonstrates a lack of good faith and a failure of commitment to finding a solution to the country’s complex situation. ​We wish to clarify that no joint committee agreement exists regarding the number of security personnel or other guests accompanying the President’s delegation to Mogadishu. Any reports claiming that such an agreement was reached are entirely false and baseless. ​Jubaland State remains committed to pursuing a lasting solution to the current issues and ensuring the success of the scheduled Consultative Meeting. However, these recent actions create dangerous security conditions and raise serious questions about the Federal Government's reliability and sense of responsibility. ​END
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
English
117
62
299
72.2K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweetledi
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
WAR-SAXAAFADEED.
Jubaland State House tweet media
Nederlands
1
9
29
2.9K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Mar walba waxaa naga go’an in dadka Soomaaliyeed ay tashadaan, isla markaana ay door firfircoon ku yeeshaan jihada uu dalkeennu u socda iyo aayaha ummadda Soomaaliyeed. Wada-tashi, midnimo iyo mas’uuliyad wadajir ah ayaa ah furaha mustaqbalka Soomaaliya.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Filipino
1
1
10
1.6K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Waxaan si rasmi ah u soo gaba-gabaynay Shirka Aayaha-Tashiga Soomaaliyeed ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Dhammaan qodobadii iyo warmurtiyeedkii shirka kasoo baxay waan fulinaynaa, waxaana naga go’an in ficil lagu beddelo wixii lagu heshiiyey.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Indonesia
6
2
24
3.8K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweetledi
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, H.E @PresidentMadobe , ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
2
6
22
3.3K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Waxaa sharaf weyn ii ah inaan ka-qaybgalay munaasabadda meherka Maxamed Noordin Maxamed Yuusuf Xaaji, oo ah wiilka uu dhalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya, Mudane Noordin Maxamed Yuusuf Xaaji, iyo Marwo Jamila Maxamed Cabdulgader Al-Sawae.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Indonesia
8
15
91
8.4K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
War-Murtiyeedka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku saabsan Ka-Dhabaynta Himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed iyo Ajandayaasha Weyn ee u baahan Midnimo Qaran iyo Wadatashi.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Indonesia
2
2
20
3.6K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam retweetledi
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E @PresidentMadobe ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka golayaasha deegaanka Jubaland, horumarinta adeegyada bulshada, siyaasadda dalxiiska, iyo qorshayaasha horumarineed ee dhalinyarada iyo ciyaaraha. Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland, iyo howlaha mudnaanta leh ee illaa hadda la qabtay. Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa soo bandhigtay Siyaasadda Dalxiiska Jubaland, oo ah hage dowladeed lagu dejiyay jihada iyo qorshaha horumarineed ee dalxiiska. Siyaasaddan ayaa lagu mideynayaa qorshayaasha iyo aragtida horumarineed ee heer dowladeed, iyadoo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha iyo soo jiidashada dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda. Dhanka kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo bandhigtay barnaamijka Siyaasadda Ciyaaraha Jubaland, kaas oo lagu hagaajinayo qorshaha horumarinta ciyaaraha iyo kor u qaadista doorka dhalinyarada. Wasaaraddu waxay sidoo kale ka warbixisay halka uu marayo mashruuca dhismaha garoonka ciyaaraha ee deegaanka Raas-Kambooni, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan. DHAMMAAAD
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
2
10
29
3K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa hoggaanka Hay’adda JISA iyo dhammaan howlwadeenada kala duwan oo si hufan uga soo dhalaalay waajibaadkooda shaqo, muujiyayna dadaal, daacadnimo, iyo go’aan adag oo ku aaddan ilaalinta nabadda iyo horumarka Jubaland.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Filipino
0
1
9
1.2K
Ahmed Sheikh Mohamed Islam
Ahmed Sheikh Mohamed Islam@PresidentMadobe·
Xaruntan cusub waxay ka tarjumaysaa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Jubaland ee ku aaddan xoojinta amniga, horumarinta hay’adaha dawliga ah, iyo dhismaha awood dowladnimo oo waarta.
Ahmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet mediaAhmed Sheikh Mohamed Islam tweet media
Filipino
2
2
12
1.5K