Tunç Demirtaş@tuncdemirtas
🇹🇷🤝🇸🇴
Aragtidayda ku aaddan wararka suuqa lagu soo daayay ee la xidhiidha heshiiskii Shidaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu faafinayay warar aan sal iyo raad lahayn oo si khaldan loo fasiray, kuwaas oo ku saabsan heshiiska Shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen.
Nasiib darro, faallooyinkan waxay wiiqayaan xiriirka saaxiibtinimo iyo kalsoonida labada dal ee muddo dheer la dhisay, waxayna salka ku hayaan dacaayado aan run ahayn.
Aniga oo ah qof muddo badan ku shaqeynayay cilmi-baarista Soomaaliya, waxaan si cad u sheegayaa: In heshiiskani si buuxda u aqoonsan yahay in dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed. Turkigu marna uka hanqal taagayo in uu lahaado wax ka mid ah khayraadka Soomaaliya si xaq darro ah. Weligiina sidaas ma yeelin. Tan iyo 2011, Turkigu wuxuu xooga saarayaa dadka Soomaaliyeed, ma aha kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira. Waxaan ka qori karaa bogag badan, laakiin si kooban: shacabka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee Turkiga.
Aan u jeesano arrinta 90% ee sida khaldan loo fasiray. Kani ma aha heshiis faa’iido la qaybsanayo. Waa nidaam caalami ah oo kharashaadkii soo saarista shidaalka lagu soo celiyo. Shirkadda saliidda ee Turkiga ee TPAO ayaa maalgelinaysa sahminta iyo soo saarista saliidda. Waxay kharash badan ku bixisaa dadaalladan Shidaal baadhista ee Soomaaliya ay ka wado. Marka saliidda la helo, waxaa loo oggol yahay inay kharashaadkooda ka helaan qayb ka mid ah saliidda — taasoo ah 90%.
Laakiin tani Turkiga dowladda ahaan uma soo gasho. Waxay si toos ah ugu socotaa shirkadda fulinaysa howsha (TPAO), si ay u soo celiso kharashaadkooda kaga baxay soo saarista Shidaalka.
Haddaba, aan iftiimiyo qodob muhiim ah: qodobka la xidhiidha saamiga 5% ah. Xitaa haddii saliidda ama shidaalka la helo aysan daboolin dhammaan kharashaadka la geliyay, dowladda Soomaaliya waa inay heshaa ugu yaraan 5% oo ka mid ah qiimaha saliidda.
Tani waa hannaan ilaalinaya danaha Soomaaliya si aysan waligeed ugu khasaarin heshiiska. Waxa ugu muhiimsan: marka kharashaadka oo dhan la daboolo, saliid kasta oo hartay waxay u go’an tahay oo ay u haraysaa Soomaaliya. Ma jiro wax qodob ah oo Turkiga siinaya faa’iido dheeraad ah ama qayb kale oo saliidda ah.
Heshiiskan wuxuu la mid yahay heshiisyada caalamiga ah ee ka jira meelo badan oo dunida ah. Looma sameynin Turkiga faa’iido gaar ah ama imtiyaas aan caadi ahayn.
Ugu dambeyn, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan marin habaabinta iyo dacaayadaha. Walaalaha Soomaaliyeedow, fadlan barta Turkiga cidda uu yahay. Hore Waxaad u aragteen waxa uu Turkigu ka shaqeynayo. Waa inaad ka fiirsataan hadallada ay faafinayaan akoonnada xiriirka la leh kooxda terrorist group iyo kuwa kale ee dano gaar ah leh. Waa in aanan qalbigenna u oggolaanin beenaha iyo dacaayadahooda.
Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhisan, oo salka ku haya is-faham, is-qaddarin iyo saaxiibtinimo muddo dheer la dhisaayay. Waan is fahmi karnaa. Waan iskaashan karnaa. Isku dayga lagu dhaawacayo xidhiidhkaas iyadoo la adeegsanayo baraha bulshada iyo farsamooyin kale waxay u keeni kartaa kaliya khasaare labadeena dhinacba.