
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال، عيد مبارك 🌙
Ciid Mubaarak dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.
Munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fitriga awgeed, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Waxaan Alle ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii, sadaqadii iyo dhammaan camalkii wanaagsanaa ee aan soo gudannay bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciiddaan ciiddeeda, Alle ha nagu gaarsiiyo nabad waarta, midnimo qaran, barwaaqo, iyo horumar waara.
Inta aan u dabaaldegeyno farxadda Ciidda, aan sii xoojino qiyamka walaaltinimo, is-garabsiga, iyo u adeegidda bulshada, si aan u dhisno mustaqbal ifaya oo dalkeenna u horseeda xasillooni iyo horumar.
Ciid Wanaagsan.























































