Hussein Sabrie
5.8K posts














Guriga ugu jilicsan guryuhu waa kan caaradaَ َوَإِنَّ أَوْهَنَ البُيُوتِ لَبَيْتُ العَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ

#Somalia: Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee la heshiiyey Dowladda Federaalka ee ka soo jeeda #Koonfurgalbeed ayaa sheegey in maanta laga hor-istaagey in ay tagaan magaalada #Baydhabo, si ay halkaasi uga bilaabaan doorashooyinka qof & cod ee DFS. Xildhibaanno la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey maamulka Koonfur-galbeed in uu diyaaradaha ku wargeliyey in aysan soo qaadi karin siyaasiyiin KGS oo ay ku jiraan Guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacanka JFS, Maxamed Mursal & Shariif Xasan. Raysal wasaare hore, Cumar Cabdirashiid ayaa xilligan wada waan-waan lagu dejinayo xaaladda siyaasiyiinta si aysan uga bixin garabka DFS, sida ay tilmaamayaan ilo-lagu-kalsoonaan-karo. Maalmo ka hor ayey ahayd markii ilaa saddex xisbi-siyaasadeed ay ka bexeen garabka Dowladda Federaalka lana safteen mucaaridka, iyaga oo DFS ku eedaynaya in aysan daacad ka ahyn doorashooyinka. Inkasta oo aysan weli Koonfur-galbeed ka hadlin arrintan, haddana haddii ay sii socoto waxa ay ka muujinaysaa in DFS & dowlad-goboleedyada taabacsan aysan isku raacsanayn hanaanka doorashooyin kaasi.






















