Said Abdimalik
41 posts

Said Abdimalik
@Saidabdimalik23
وقليل من عبادي الشكور










OGAYSIIS:🟥. 2daan arrin owgeed waxaan go'aansaday in aan fasax dheer ka qaato X. 1: Dhacdooyinka iyo muuqaalada gumaadka qaza 2dii sano ee la soo dhaafay dhab ahaantii saamayn adag ayay igu yeesheen ( saamayn dhab ah ) xilliyada qaar aanan seexan karin , bal arrinku gaaray mar mar in aan naftayda u baqo walbahaarka owgii in aan halaagsamo . ( Geeri ) Arkida aabo leh 5taydii canug burburka ayay ka hooseeyaan , hooyo suuqa aaday laakiin markay guriga ku soo laabatay aanan arag waxaan dambas ka ahayn . aabo dul taagan guri dambas noqday oo leh caruurtii iyo xaaskii ayaa ka hooseeyo bur burkaan , arkida aabo leh 6dii canug iyo hooyadood hal meel ayaa lagu gumaaday , muuqaallo aad u adag , maydadka caruurta meel walba waran , dumarka gablamay , dhulka dambaska ah , gantaalada guryaha ku hoobanaayo , qaxa iyo gaajada , silic goobaha caawimaadka ku dhimada ah lagu qaybiyo ee ku jirto gacanta mujrimiin ameerikaan ah oo mujrimiinta kale la shaqeeyo , xeelad la'aanta iyo fiirsashada gumaad cid istaajinayso jirin waa shay aad nafta ugu adag . waxaan isku qancin jiray waajibka ku saaran gudo oo dadka gaarsii laakiin ilaahay wuxuu na amray in aanan nafteena halaagin marka hore , waxaan is iri haddii aad xaalad xun gaarto xaalku siduu noqon ? 2 : Ninka iska leh X Elon Musk wuxuu isu badalay waliba bilihii yaraa ee la soo dhaafay si waali ah s*liibi islaamka iyo muslimiinta si aanan gabasho lahayn u weeraraayo si cad in uu u bartilmaameedsado muslimiinta galbeedka asagoo hor ka caayo raxanta xoo-laha midigta saliibiga ee indhaha xiran . Xisaabkaan Ogaansho waxaa saaran calaamada saxda ah taasoo ah in aan bil walba lacag ku bixiyo lacagtaasna ay aadayso accounka elon musk oo ah nin cadow ah una adeegsanaayo taageerida cadowga umadeena sida aan ku arkaynay dibad bixii London . Sidaas darteed bishaan ayaa ugu dambayso in aan isticmaalo X Premium aanan huro calaamada saxda mustaqbalka waxa dhici alle kaliye ayaa og 2daas arrimood owgood waxaan go'aansaday in aan ka maqnaado meeshaan intii ilaahay qadaro in aan ka maqnaado . Omar M Inshar .




























