
Waxaan shacabka reer Itoobiya, gaar ahaan kuwa Deegaanka Soomaalida, ugu hambalyeynayaa sanad-guuradii sideedaad ee ka soo wareegtay isbeddelkii taariikhiga ahaa ee uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed Ali, oo ku beegneyd 2-da Abriil 2018. Waxaa lagama maarmaan ah in shacabka reer Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida, si firfircoon oo muuqata u muujiyaan taageeradooda maalintan qaran.
Dabaaldegga maalintani ma aha oo kaliya xus taariikheed, balse waa astaan muujinaysa bilowgii isbeddel qaran oo horseeday rajo cusub, dib-u-heshiisiin, iyo jihayn horumarineed oo waarta. Waa maalin xambaarsan fariin qoto dheer oo ku saabsan awoodda shacabka, midnimada ummadda, iyo kartida ay u leeyihiin in ay dhisaan mustaqbal ay wada leeyihiin.
Sidoo kale, waa munaasabad lagu xoojinayo wadajirka bulshada, lagu muujinayo qiimaha taageerada shacabka, laguna xaqiijinayo in guulaha la gaaray la ilaaliyo lana sii hormariyo. Waxay ku boorinaysaa jiilalka maanta iyo kuwa berri in ay sii wadaan dariiqii isbeddelka iyo horumarka, iyagoo leh aragti fog iyo mas’uuliyad qaran.

Eesti













