Jubaland State House đã retweet
Jubaland State House
1.5K posts

Jubaland State House
@JSStatehouse
The Official Account Of The State House of Jubaland State of Somalia.
Kismayo, Jubaland Tham gia Haziran 2009
9 Đang theo dõi25.9K Người theo dõi

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.
Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.
Eesti

Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.


Filipino

Carwadan ayaa ahayd mid lagu muujinayay kartida, dadaalka iyo kaalinta muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay ganacsiyo kala duwan, farsamooyin cusub iyo badeecooyin ay sameeyeen haween ganacsato ah.




Filipino

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland iyo Golaha Xukuumadda Jubaland, kaas oo si qoto dheer loogu lafaguray xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka halka dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga, midnimada mowqifka Jubaland, iyo ilaalinta heshiisyadii iyo habraacyadii saldhigga u ahaa wax ka badalka Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax ka beddel kasta uu ku yimaado is-afgarad iyo wadatashi buuxa oo loo dhan yahay.




Eesti

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta xarigga ka jaray qeybo cusub oo lagu kordhiyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland.
Xafiisyadan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hannaanka shaqo, korna loogu qaado tayada iyo hufnaanta adeegyada ay Wasaaraddu bixiso.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada joogtada ah ee Wasaaraddu wado, isaga oo ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda inay sii laba jibaaraan dadaallada ku aaddan horumarinta kaabayaasha biyaha iyo tamarta.




Filipino

Doontan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu sameeyo gudaha dalka, ayaa la filayaa inay ka howlgasho xeebaha Jubaland, iyadoo door weyn ka qaadan doonta horumarinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shirkadda Sommarine Limited, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo farsamada ay ku hormarinayaan wax-soo-saarka gudaha, isla markaana ku dhiirrigeliyay maalgashadayaasha kale inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee ka jira kheyraadka badda Jubaland




Filipino

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E @PresidentMadobe ayaa maanta ka qeybgalay bandhigga doon casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Sommarine Limited oo ah shirkad farsamaysa qalabka badda.




Eesti

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, oo ay ka qeybgaleen tartamayaal ka kala yimid deegaanada kala duwan ee Jubaland, kuwaas oo ku tartamay xifdinta iyo aqoonta Quraanka Kariimka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka iyo kartida dhalinyarada ka qeybgalay tartanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan barashada, xifdinta iyo ku dhaqanka Quraanka Kariimka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay Dowladda Jubaland siinayso kobcinta diinta Islaamka iyo dhiirrigelinta tartamada noocan oo kale ah oo sare u qaadaya aqoonta, akhlaaqda iyo wacyiga bulshada.
Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay guuleystayaasha kaalmaha hore ka galay tartanka 30ka Juz iyo 20ka Juz. Maxamed Cabdulwahaab Axmed oo kaalinta koowaad ka galay tartanka 30ka Juz ayuu Madaxweynuhu ku abaalmariyay gaari Surf ah, halka Maxamed Nuur Maxamed oo galay kaalinta labaad lagu gudoonsiiyay gaari Succeed. Cabdulkariim Cali Aadam oo kaalinta saddexaad galay ayaa lagu abaalmariyay lacag dhan $2500, kaalinta afraadna waxaa gashay Amran Axmed Yuusuf oo lagu abaalmariyay $1500, halka kaalinta shanaad ay gashay Ifraax Maxamed Abshir oo lagu abaalmariyay $1000.
Dhanka tartanka 20ka Juz, kaalinta koowaad waxaa galay Yaasiin Maxamuud Nuur oo lagu abaalmariyay gaari Premier, kaalinta labaadna waxaa galay Ibraahiim Cusmaan Cabdullaahi oo lagu abaalmariyay $2000. Sagal Yuusuf Maxamed oo kaalinta saddexaad gashay ayaa lagu abaalmariyay $1500, halka Cabdulmaalik Xasan Iimaan oo galay kaalinta afraad lagu gudoonsiiyay $1000, ugu dambeyntiina Cabduraxmaan Mukhtaar Maxamed oo galay kaalinta shanaad ayaa lagu abaalmariyay $700.
Qaar kamid ah guulaystayaasha oo aan goobjoog ahayn munaasabadan ayay waalidkoodu u gudoomeen abaalmarinta.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dadaalka ay ku bixisay qabsoomidda tartankan, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Mu’asasada Ummah iyo dhammaan culimada juhdiga ku bixisay hirgelinta iyo taabagelinta tartankan qiimaha leh.
DHAMMAAAD.




Filipino
Jubaland State House đã retweet
Jubaland State House đã retweet

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Muqdisho kaga qeybgalay kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayay jihada mustaqbalka dalka, xoojinta wada-hadalka siyaasadeed, iyo adkeynta dowlad-dhiska.




Indonesia




























