Jubaland State House

1.5K posts

Jubaland State House banner
Jubaland State House

Jubaland State House

@JSStatehouse

The Official Account Of The State House of Jubaland State of Somalia.

Kismayo, Jubaland Katılım Haziran 2009
9 Takip Edilen25.9K Takipçiler
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07 May 2026 shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada. Ugu horreyn, Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, iyo dadaallada joogtada ah ee ay hay’adaha amnigu wadaan. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa iyana Golaha uga warbixisay nidaamka sharciyeed ee cusub ee lagu hagayo gaadiidka, kaas oo lagu doonayo horumarinta nidaamka gaadiidka, badqabka shacabka, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka ee deegaanada Jubaland. Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan diyaar-garowga iyo habsami u socodka imtixaanaadka dowladda, iyo sidoo kale fursadaha deeqaha waxbarasho (Scholarships) ee loo diyaariyey ardayda reer Jubaland. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada uga warbixisay xaaladda guud ee caafimaadka deegaanada Jubaland, adeegyada caafimaad ee la gaarsiinayo bulshada, iyo dadaallada lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka. Ugu dambeyn, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka warbixisay halka uu marayo diyaar-garowga qabsoomidda ciyaaraha heerka koowaad ee Jubaland. DHAMMAAD
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
9
6
17
1K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray qodobo ay kamid yihiin xoojinta amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, adkaynta isticmaalka taarikada rasmiga ah ee Jubaland, iyadoo la faray hay’adaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan gaadiidka aan wadan taarikada rasmiga ah, iyo qaadista tallaabooyin lagaga kahortagayo masiibooyinka ka dhalan kara fatahaadaha xilliyada roobabka.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
6
5
25
1.3K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dowladda. Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Wasaaradda ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha socda, wuxuuna ku boorriyay in la xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadidda waajibaayda shaqo ee Wasaaraddda si loo gaaro horumar waara.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
0
4
15
653
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, hufnaanta canshuuraha, natiijooyinka laga gaaray mashruuca biyo-gelinta magaalada Kismaayo, ka faa’iidaysiga tamarta qoraxda iyo Xaalada guud ee Siyaasada Dalka. Ugu horreyn, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan xaaladda amniga, iyadoo la xusay dadaallada lagu xoojinayo howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay. Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ka warbixisay dib-u-habeyn lagu sameynayo nidaamka canshuuraha si loo mideeyo habraacyada loona kordhiyo hufnaanta shaqada. Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa Golaha uga warbixisay horumarka mashruuca biyo-gelinta Kismaayo iyo mashruuca tamarta qoraxda, kuwaas oo si habsami leh u socda. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ka warbixisay xaaladda adeegyada caafimaadka, natiijooyinka shirkii maalgashiga caafimaadka Jubaland, iyo hirgelinta nidaamka lacag-celinta ee isbitaallada Jubaland. Ugu danbayntii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha, roobabkii dhawaan da’ay, iyo diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah. DHAMMAAAD
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
0
3
7
743
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Jubaland, Marxuum Cabaas Xaaji Cabdullaahi. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa shaqsi howlkar ah oo muddo dheer kusoo jiray shaqada dowladnimada, isla markaana door muhiim ah ka qaatay horumarinta hanaanka dowlad-dhiska Jubaland. Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxay. Aaaamiiin.
Jubaland State House tweet media
Suomi
1
2
5
624
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland. Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah. Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.
Eesti
3
3
14
1.3K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Taliyaha ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Khawaarijta lagana gaaray guulo wax ku ool ah. Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Yusuf Xuseen Cismaan.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
0
1
5
677
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Khawaarijta, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Indonesia
1
2
6
945
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
9
23
49
7.9K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku bogaadiyay haweenka Jubaland dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in dowladdu ay sii xoojin doonto taageerada haweenka si ay uga qeyb qaataan horumarka guud ee Jubaland
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
1
1
2
225
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Carwadan ayaa ahayd mid lagu muujinayay kartida, dadaalka iyo kaalinta muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay ganacsiyo kala duwan, farsamooyin cusub iyo badeecooyin ay sameeyeen haween ganacsato ah.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
1
1
3
304
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qeyb galay Carwo lagu soo bandhigayay doorka haweenka ee ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha Jubaland, taas oo lagu soo bandhigay hal-abuuro kala duwan oo ganacsi oo ay hormuud ka yihiin haweenka Jubaland.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
5
9
28
3.3K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland iyo Golaha Xukuumadda Jubaland, kaas oo si qoto dheer loogu lafaguray xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka halka dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga, midnimada mowqifka Jubaland, iyo ilaalinta heshiisyadii iyo habraacyadii saldhigga u ahaa wax ka badalka Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax ka beddel kasta uu ku yimaado is-afgarad iyo wadatashi buuxa oo loo dhan yahay.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
3
8
26
3.5K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta xarigga ka jaray qeybo cusub oo lagu kordhiyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland. Xafiisyadan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hannaanka shaqo, korna loogu qaado tayada iyo hufnaanta adeegyada ay Wasaaraddu bixiso. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada joogtada ah ee Wasaaraddu wado, isaga oo ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda inay sii laba jibaaraan dadaallada ku aaddan horumarinta kaabayaasha biyaha iyo tamarta.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
2
7
22
1.1K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan wadatashi ah ku casuumay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland.
Jubaland State House tweet media
Eesti
0
4
13
1K
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Doontan oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee lagu sameeyo gudaha dalka, ayaa la filayaa inay ka howlgasho xeebaha Jubaland, iyadoo door weyn ka qaadan doonta horumarinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shirkadda Sommarine Limited, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo farsamada ay ku hormarinayaan wax-soo-saarka gudaha, isla markaana ku dhiirrigeliyay maalgashadayaasha kale inay ka faa’iideystaan fursadaha ballaaran ee ka jira kheyraadka badda Jubaland
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Filipino
1
0
4
431
Jubaland State House
Jubaland State House@JSStatehouse·
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E @PresidentMadobe ayaa maanta ka qeybgalay bandhigga doon casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Sommarine Limited oo ah shirkad farsamaysa qalabka badda.
Jubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet mediaJubaland State House tweet media
Eesti
7
15
69
6K