
Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda #Somaliland Mudane @BarkhadBatuun , ayaa kormeeray xafiisyada iyo waaxyaha ay ka koobantahay wasaaraddu.
Kormeerka waxa wasiirka ku wehelinayay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Mudane Muuse Askar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Ilkacase, waxaana uu wasiirku mid mid u galay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo xafiisyada ay shaqooyinka muhiimka ahi ka socdaan, iyada oo ay agaasime-waaxeedyada wasaaradda iyo madaxqaybeedyadu uga warbixiyeen wasiirka shaqooyinka ay wasaaradda iyo qaranka u hayaan ee muhiimka ah.
waaxyaha uu wasiirku kormeeray iyada oo ay shaqadu toos uga socoto waxa ka mid ahaa, waaxda Telefishanka Qaranka, sida istuudiyayaasha barnaamijyada iyo wararka, Waaxda idaacadaha, baahimaha iyo warlalisyada, kaydka iyo waaxda Dhaqanka.
Waaxaha kale ee uu wasiirku kormeeray waxa ka mid ahaa; waaxda maamulka, Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha, waaxda cududda shaqaalaha, waaxda wakaaladda wararka SOLNA, waaxda wacyigelinta, waaxda wada-xidhiidhka iyo xafiisyo kale oo shaqada wasaaradda u muhim ah.
Wasiirka ayaa shaqaalaha ku bogaadiyay shaqada culus ee ay sida maalinlaha ah qaranka ugu adeegaan isaga oo kula dardaarmay in la sii labanlaabo shaqada.




Indonesia
























