Somaliland National TV
2.4K posts

Somaliland National TV
@SLNTV
This is the official @X Account of Somaliland National Television.
Hargeisa, Somaliland Katılım Kasım 2019
1 Takip Edilen22.3K Takipçiler

#Sawirro: xubno ka tirsan guddida heer qaran ee qabanqaabada xuska munaasibadda 18 ka May oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddidaas ahna wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga iyo masuuliyiinta sare ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan kula qaatay xarunta wasaaradda warfaafinta, warbaahinta maxalliga ah ee dalka.
Kulanka oo ay ka qayb galeen, wasiirka wasaaradda warfaafinta, Wasiir-ku-xigeennada wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo masuuliyiin kale ayaa lagaga wada hadlay adkaynta nabadgelyada iyo in la xoojiyo ilaalinta sumcadda qaranka gaar ahaan xilliga lagu jiro tebinta xuska munaasibadda qaran ee 18 ka May.
Wasiirrada wasaaradaha warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo arrimaha gudaha iyo amiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Cabdalle Maxamed Carab, ayaa erayo dardaaran iyo hoga tusaalayn ah u jeediyay warbaahinta kala duwan ee kulanka a qayb gashay.




Indonesia

Guddoomiye 𝐒𝐚𝐥𝐞𝐞𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧, Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda #Somaliland. Sawirkani waa 𝑺𝒉𝒊𝒓𝒌𝒊𝒊 18-𝒌𝒂 𝑴𝒂𝒚 1991 ee magaalada #Burco, lagagana dhawaaqay dib ula soo noqoshada Qarannimada Somaliland.
Saleebaan Maxamuud Aadan waa mid ka mid ah siyaasiyiintii iyo haldoorkii door weyn ka qaatay dib u dhiska, nabadaynta iyo geeddi-socodka dawladnimada Somaliland, isaga oo muddo dheer kaalin muuqata kaga jiray hoggaaminta iyo nabadaynta dalka.
Wasaaradda Warfaafintu waxa ay si joogto ah oo maalinle ah idiinla wadaagaysaa sawirradii Shirkii 18-ka May 1991 ee magaalada Burco, si aad u ogaataan taariikhda iyo haldoorkii dhidibada u taagay Qarannimada Somaliland.
La soco sawirrada iyo sooyaalkoodaba.
xuquuqda sawirradani waxa ay u dhawrsantahay. Wasaaradda Warfaafinta.
Sawirkani waxa qaaday sawirqaade sare #XasanShugri

Eesti

Qoraa Mujaahid, Wasiir hore 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐃𝐮𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞 “𝐁𝐨𝐨𝐛𝐞” waxa uu ahaa Xoghayihii Warfaafinta ee 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐁𝐮𝐫𝐜𝐨 𝟏𝟖-𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐲 𝟏𝟗𝟗𝟏 lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada Qarannimada #Somaliland, sidoo kale waxa uu kamid ahaa Guddida qabanqaabada Shirkaasi.
Xilligaas waxa uu ahaa Madaxa Qoraallada iyo Diiwaangelinta khudbadihii iyo hadalladii ay jeedinayeen madaxda iyo haldoorkii madasha ka hadlayay.
Muddo dheer ayuu suugaan, qoraal, qalin iyo aqoonba kaga qeyb qaatay dhismaha, difaaca iyo kobcinta Qarannimada Somaliland.
Wasaaradda Warfaafintu waxa ay si joogto ah oo maalinle ah idiinla wadaagaysaa sawirradii Shirkii 18-ka May 1991 ee magaalada Burco, si aad u ogaataan taariikhda iyo haldoorkii dhidibada u taagay Qarannimada Somaliland la soco sawirrada iyo sooyaalkoodaba.
"Xuquuda sawirradani waxa ay u dhawrsoonyihiin" Wasaaradda Warfaafinta @MoICNG
Sawirradan waxa qaaday Suxufi Sare
#XasanShugri

Indonesia

#Sawirro: Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh C/risaaq sheekh C/laahi sheekh Cabdi
Kulankan oo u jeedadiisu ahayd kor u qaadida iyo wax ka badalka Idaacada Qur’aanka kariimka.
Wasiirka ayaa talo ka waydiiyay sidii wax ka badal loogu samayn lahaa qaariyada kala diwan ee ka baxa idaacada qur’aanka isaga oo dhiirigalinaya kuna dedaalaya sidii dalkeena looga heli lahaa qaariyo ka soo baxa .
Sheekh Cabdirisaaq ayaa ka talo bixiyay qaabkii loo soo kala xulilahaa qaariyada,
Kulankan ayaa waxa ku wehelinayay Agaasimaha guud iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo madaxa idaacada qur’aanka.




Indonesia

𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱 waxa uu kamid ahaa Salaadiinti hadala waaweyn ka jeediyay Shirki lagaga dhawaaqay Qarannimadda #Somaliland 18 may 1991 Magaaladda Burco.
Suldaanku wuxu astaan u ahaa Nabadda Somaliland wuxuna Taariikhda ku galay hub ka dhigistii ka dhacday 1994 Garoonka Kubadda Cagta ee Magaaladda Hargeysa, " Hargiesa Studium".
Waa Suldaanki Qabiilooyinka hubka ka dhigay ee Ciidama Qaranka Quweeyey, Alle ha janneeyo.
Wasaaradda War-faafintu waxa ay si joogto ah oo maalinle ah idinla wadaagaysaa Sawiradda Shirki 18 may 1991 ee Magaaladda Burco, si aad u oggaatid Taariikhda dadka Somaliland dhidibada u taagay la soco sawiradda iyo sooyaalkoodaba.
Xuquuqda Sawiraddan wax a ay u dhowrsan tahay Wasaaradda War-faafinta.
Waxaana gacantiisa ku qaaday Suxufi sarre #XasanShugri.

Suomi

#Somaliland Upper House Reviews Key Laws, Environmental Measures Tightened, and Hargeisa Water Project Nears Launch
English

Warbaahinta dawladda Ruushka ee Russian Today (#RT) ayaa daabacday warbixin sheegaysa in Imaaraadka Carabtu uu noqon karo dalkii labaad ee aqoonsada Jamhuuriyadda #Somaliland, oo raaci kara Israel haddii ay hirgalaan dedaallo diblomaasiyaddeed oo socda.
Warbixinta RT oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA, ayaa warbixinteeda ku xustay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay muhiimad istiraatijiyaddeed oo sare maadaama ay marin muhiim ah u tahay Badda Cas, taas oo lagu sheegay inay qeyb ka noqon karto istaraatiijiyadda lagu wajahayo dhaqdhaqaaqyada Amniga badda cas.
Warku wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland u sii xoogaysanayso ahmiyaddeeda juqraafi-siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Filipino







