Ministry of Information│Republic of Somaliland

686 posts

Ministry of Information│Republic of Somaliland banner
Ministry of Information│Republic of Somaliland

Ministry of Information│Republic of Somaliland

@MoICNG

This is the official @X handle for the Ministry of Information, Culture and National Guidance of the Republic of Somaliland.

Hargeisa, Somaliland เข้าร่วม Temmuz 2019
20 กำลังติดตาม17K ผู้ติดตาม
Ministry of Information│Republic of Somaliland
Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda #Somaliland Mudane @BarkhadBatuun , ayaa kormeeray xafiisyada iyo waaxyaha ay ka koobantahay wasaaraddu. Kormeerka waxa wasiirka ku wehelinayay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Mudane Muuse Askar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Ilkacase, waxaana uu wasiirku mid mid u galay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo xafiisyada ay shaqooyinka muhiimka ahi ka socdaan, iyada oo ay agaasime-waaxeedyada wasaaradda iyo madaxqaybeedyadu uga warbixiyeen wasiirka shaqooyinka ay wasaaradda iyo qaranka u hayaan ee muhiimka ah. waaxyaha uu wasiirku kormeeray iyada oo ay shaqadu toos uga socoto waxa ka mid ahaa, waaxda Telefishanka Qaranka, sida istuudiyayaasha barnaamijyada iyo wararka, Waaxda idaacadaha, baahimaha iyo warlalisyada, kaydka iyo waaxda Dhaqanka. Waaxaha kale ee uu wasiirku kormeeray waxa ka mid ahaa; waaxda maamulka, Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadaha, waaxda cududda shaqaalaha, waaxda wakaaladda wararka SOLNA, waaxda wacyigelinta, waaxda wada-xidhiidhka iyo xafiisyo kale oo shaqada wasaaradda u muhim ah. Wasiirka ayaa shaqaalaha ku bogaadiyay shaqada culus ee ay sida maalinlaha ah qaranka ugu adeegaan isaga oo kula dardaarmay in la sii labanlaabo shaqada.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
2
8
492
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Waxa aanu ballan qaadaynaa in aanu soo celinno haybaddii Telefishanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland @SLNTV " 𝐁𝐚𝐫𝐤𝐡𝐚𝐝 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐁𝐚𝐭𝐮𝐮𝐧 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 W𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 W𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
1
0
3
243
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Nin inta uu afar qof albaabka hoosta uga xidho foojarro u saxeexa dabadeedna maqaaxiyo iska fadhiista noqon maayo" 𝐁𝐚𝐫𝐤𝐡𝐚𝐝 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐁𝐚𝐭𝐮𝐮𝐧 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
1
7
513
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Wasiir waanu kugu soo dhaweynaynaa Wasaaradda #Warfaafinta" 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐃𝐮𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
0
3
214
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Tan iyo intii aqoonsiga ay heshay #Somaliland, waxa ay wasaaradda warfaafinta iyo warbaahinta madaxa bannaaniba u hagar baxeen sidii dunida looga dhaadhicin lahaa Jamhuuriyadda Somaliland" 𝐌𝐮𝐮𝐬𝐞 𝐀𝐬𝐤𝐚𝐫 𝐆𝐮𝐮𝐥𝐞𝐞𝐝 Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta JSL.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
2
14
315
Ministry of Information│Republic of Somaliland
Wasiir ka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda #Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabbilay maayarka magaalada Hargeysa. @BarkhadBatuun , wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge @AbdikarimMoge , oo ugu yimi wasiirka salaan iyo bogaadin. Cabdikariin Axmed Mooge maayerka caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa wasiirka wasaaradda warfaafinta kula dardaarmay in uu dedaal dheeraad geliyo gudashada xilka uu qaranka u qaaday, waxaana uu ugu duceeyay in uu ku asturo xilka cusub ee uu la wareegay, oo uu maayarku sheegay in uu kartideeda leeyahay. Ugu dambeynna wasiirka ayaa ballan qaaday in uu dadaarankaas weelayn doono, tamartiisana gelin doono sidii uu qaranka ugu adeegi lahaa, daacadnimo dedaal iyo xilkasnimo, isaga oo qaranka u rejeeyay guul iyo badhaadhe waara.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
5
3
52
2.2K
Ministry of Information│Republic of Somaliland
#Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. @BarkhadBatuun , ayaa maanta shir la yeeshay Agaasimeyaasha Waaxaha ee Wasaaradda oo uu kala hadlay dardargelinta shaqada. Shirkan waxa kaloo goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Md. Muuse Askar Guulleed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase). Shirkan oo dullucdiisu ahayd isbarasho iyo kor u qaadista shaqada wasaaradda, waxa la isku waafaqay in wadar ahaan looga wada shaqeeyo taabogelinta waajibaadka wasaaradda.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
1
0
8
456
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Waxa ay dadku ii doorteen in aan codkooda ku hadlo, maantana madaxweynaha ayaa ii cugtay in aan codka qaranka ku hadlo" @BarkhadBatuun 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Eesti
1
0
20
712
Ministry of Information│Republic of Somaliland
Wasiirka Cusub ee Warfaafinta oo ka Hadlay Xilka loo Magacaabay Hargeysa-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa Eebe ka baryay inuu ku asturo xilka Wasaaradda Warfaafinta ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u igmaday. Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay baraha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland, waxaannu ka mahadceliyay xilka culus ee loo magacaabay. "Alxamdulillaah, Ilaahay waxa aan ka rajaynayaa in xilka culus ee Madaxweyne aad ii igmatay uu igu asturo. Ma aha shaqo fudud in aan hoggaamiyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana aan ku hadlo afka Xukuumadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo masiirka shacabka," ayuu yidhi Wasiir Barkhad Jaamac Batuun. Wasiir Barkhad Jaamac Batuun ray'ulcaamka bulshada ayaa soo dhaweeyay magacaabistiisa oo ay ku tilmaameen "Xidig godkiisii helay".
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
2
6
83
5.9K
Ministry of Information│Republic of Somaliland
#Sawiro: Hay'adda caymiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta oo kala saxeexday heshiis la xidhiidha wacyigelinta caymiska. Heshiiskan isfahan ayaa ujeeddadiisu ahayd wacyigelin ta arrimaha caymiska oo laga bilaabayo gobollada dalka oo dhan si bulshadu u fahanto muhiimadda caymisku leeyahay, waxaana la isla gartay in wasaaradda warfaafinta oo maamusha warbaahinta dawladda iyo hay'adda caymiska qaranku ay si wada jir ah uga qayb qaataan. Kulan ka waxa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta sare ee hay'adda caymiska qaranka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay'addaas mudane Axmed Xirsi Ducaale isla markaana ay weheliyaan agaasimaha guud iyo xubno ka tirsan agaasime-waaxeedyada hay'addaas, halka dhinaca wasaaradda warfaafinta na ay goobjoog ahaayeen Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda mudane Muuse Askar Guuleed oo ay wehelinayaan agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase) iyo qaar ka mid ag agaasime-waaxeedyada wasaaraddu. Heshiiska waxa dhinaca hay'adda caymiska qaranka u saxeexay guddoomiyaha hay'addaas Axmed Xirsi Ducaale, halka wasaaradda warfaafinta na uu u saxeexay Wasiir-ku-xigeenka wasaaraddu Muuse Askar Guuleed.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
0
1
242
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Waxa aanu kala saxeexannay Wasaaradda Warfaafinta, heshiis is fahan oo la xidhiidha wacyigelinta Caymiska" 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲'𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐲𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 𝐃𝐮𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Suomi
0
0
1
177
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Caymiska oo lagaga maarmayo arrimaha magta, waxa ugu horraynaya oo aanu bilaabaynaa ka gaadiidka" 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲'𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐲𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐢𝐫𝐬𝐢 𝐃𝐮𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Filipino
0
0
2
176
Ministry of Information│Republic of Somaliland
"Laga bilaabo maanta waxa aynu dardargelinaynaa sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa arrimaha caymiska, waxaanaanu ballan qaadaynaa in aanu kala shaqaynno hay'adda caymiska" 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫-𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐤𝐮 𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Suomi
0
0
1
107
Ministry of Information│Republic of Somaliland
Kulan uu wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafintu la qaatay agaasime-waaxeedyada wasaaradda. Axad, 29-03-2026, waxaa ka qabsoomay xafiiska Wasiir-ku-xigeenka, ahna ku-simaha wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda sare ee Wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo, isuduwidda waaxyaha iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada ay Wasaaraddu u hayso qaranka JSL. Intii uu shirku socday, agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyay hawlaha u qabsoomay iyo caqabadaha jira, halka Wasiir-ku-xigeenkuna ku adkeeyay muhiimadda wada shaqaynta, hufnaanta iyo fulinta qorshayaasha la dejiyay. Waxaa kale oo uu Muuse Askar Guuleed xusay in horumarin ballaadhan iyo qalabayn lagu sameeyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta dawladda, iyada oo dib loo hawl-geliyay afafka Ingiriisiga iyo Carabiga oo hore uga bixi jiray warbaahinta dawladda, balse hakad ku yimid muddo badan. Waxa uu wasiirku ku dhiirrigeliyay madaxda waaxyuhu in ay ilaaliyaan hantida qaranka ee ay ka mas’uulka yihiin, isla markaana loo baahan yahay in si xikmadi ku jirto loo maamulo dhaqaalaha iyo khayraadka maadaama ay dunida ka dhacayaan xaalado kala duwan. Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo in si joogto ah loo qabto shirar noocan oo kale ah si kor loogu qaado waxqabadka wasaaradda.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet mediaMinistry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
0
2
174
Ministry of Information│Republic of Somaliland
𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐀𝐑𝐀𝐊 Wasaaradda Warfaafinta JSLwaxa ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummadda Islaamka, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga awgeed.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
1
9
374
Ministry of Information│Republic of Somaliland
Wasiirka Ku-simaha Warfaafinta #Somaliland Oo Qaabilay Tifaftiraha Guud ee #The_Advocate_Post Hargeysa- Wasiir kuxigeenka ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Askar Guuleed, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Tifaftiraha Guud ee warbaahinta The Advocate Post Abdul Rafay Afzal, waxana kulankaasi lagaga hadlay xoojinta iskaashiga warbaahinta iyo horumarinta warbaahinta. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta istaraatiijiga ah ee u dhexeysa warbaahinta caalamiga ah, si loo kobciyo baahinta warar sax ah iyo dhisida aragti togan ee warbaahinta dalka. Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla qaatay in iskaashiga warbaahintu uu door weyn ka qaato kor u qaadidda hufnaanta, fahamka dhaqamada kala duwan, iyo taageeridda horumar waara, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta dhinaca warbaahinta iyo wada xidhiidhka caalamiga ah.
Ministry of Information│Republic of Somaliland tweet media
Indonesia
0
0
21
1.5K