Abdinur Ali

17 posts

Abdinur Ali banner
Abdinur Ali

Abdinur Ali

@ElmiKarar

Katılım Temmuz 2024
73 Takip Edilen3 Takipçiler
Abdinur Ali retweetledi
Hussein Sabrie
Hussein Sabrie@HusseinSabrie·
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu Gobolka Banaadir u gaystay dhaawacyo siyaasadeed oo ay ilaa maanta ka soo waaqsan la’dahay. Isaga ayaana horseeday seddax caqabadood oo maanta ku horgudban horumarka dadka iyo deegaanka Muqdisho. Madaxweyne Shariif waxaa la doortay Gobolka Banaadir oo leh gole deegaan oo 69 xubnood ah. Golahaas oo ku-meel-gaar ahaa waxaa dhisay Raysulwasaare Nuur Cadde, Rabbi ha u naxariistee. Waxaa la dhaariyay 23kii Nofeembar 2008, waxayna isla maalinkaas guddoomiye u doorteen Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur). Nasiibxumo, Madaxweyne Shariif ayaa 6dii November 6, 2009 wuxuu kala diray Golihii Deegaanka ee shaqeynayay muddo sanad ah. Wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune). 16 sano ka dib, sidii ayuu Madaxweyne kasta wareegto ugu magacaabaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo Gobolku ilaa maanta ma leh gole deegaan oo ka shaqeeya horumarinta Caasimadda. Dowladdii Madaxweyne Shariif waxay sidoo kale Muqdisho ku naafeysay dhaawac dastuuri ah oo caqabad ku noqday maqaamka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Muqdisho, oo waxaa qodobka 9ᵃᵃᵈ Dastuurka lagu xusay in maqaamka Muqdisho go’aan looga gaari doono dib-u-eegista dastuurka, ayna labada aqal ee Baarlamaanku ka soo saari doonaan sharci gaar ah. 14 sano ka dib, Muqdisho waxaa wali ku xiran siriqdii iyo wareerisadii ay ku xirtay dowladdii Madaxweyne Shariif. Dhanka kale, Dowladdii Madaxwene Shariif ayaa jaangoysay in dakhliga ka soo xaroodo Muqdisho 15% kaliya laga siiyo Gobolka Banaadir. 16 sano ka dib, Muqdisho waxay wali ku gowracan tahay cadkii quureed ee uu u gooyay Madaxweyne Shariif, waxayna ilaa maanta ka qaajeysan tahay canshuuraha nus bilyanka ku dhow ee sanad kasta laga soo xareeyo dekadda, garoonka, iyo suuqyada Xamar. Fahamxumo iyo niyadxumo tii ay ka ahaydba, dowladdii Madaxweyne Shariif waxay dadka iyo deegaanka Muqdisho ku dhufatay dhaawacyo naafeeyay oo ay ilaa maanta ka soo kaban la’dahay. Waa taariikh baal madoow ugu qoran diiwaankiisa siyaasadeed, waana in lagula xisaabtamo, oo madal kasta lagu waydiiyo.
Hussein Sabrie tweet media
Suomi
19
21
86
15.6K
Abdinur Ali
Abdinur Ali@ElmiKarar·
Marka aad fahanto cudurka ku haya iyo sababaha keena, waxaad si sahlan u heli kartaa daawada ugu habboon. #Somalia
Abdinur Ali tweet media
Filipino
0
0
1
26
Abdinur Ali
Abdinur Ali@ElmiKarar·
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qatar amni ayuu galay maalinkaas, naftiisa ayuu hor geeyey ciidan macawsley ah oo hubaysan. Waxaa maanta toogasho lagu dilay isagoo ciidan u qudbaynaya Gaashaanle sare Nuur Farey (Taliyihii Guutada 14 ka October) Rabbi ha u naxariisto. #security
Abdinur Ali tweet media
Suomi
0
0
1
20
Abdinur Ali
Abdinur Ali@ElmiKarar·
Madaxweyne HSM haddii uu aqbalo dalabka Mareykanka ee ah in la siiyo saldhig ciidan oo kaga duulo xuutiyiinta Yemen 🇾🇪 , waxay noqon doontaa arrin culus oo saamayn taban ku yeelan doonta Soomaaliya Waa heshiish u baahan ka fiirsi iyo feejignaan fara badan.
Abdinur Ali tweet media
Suomi
0
0
0
12
Abdinur Ali
Abdinur Ali@ElmiKarar·
President Hassan Sheikh Mohamud is leading from the front in the fight against AS. Being on the front lines at this age shows great courage and determination to protect his people. His leadership inspires hope and unity in the fight against terrorism. Together, peace is possible
English
0
0
1
16
Abdinur Ali
Abdinur Ali@ElmiKarar·
Culture preserves history, transmits knowledge, and fosters unity. This is Somali 🇸🇴 culture.
English
0
0
1
32
Abdinur Ali retweetledi
Ibrahim Omer
Ibrahim Omer@Ibra_Omar101·
Marxaladihii Lacagta (Evaluation of Money) 1. Barter System (6000 BC¹) Marxaladda ugu horeysa ee lacagta waa nidaamka barter-ka, oo ah nidaam alaab, alaab kale lagu badallan jiray. Dadku waxay isticmaali jireen badeecadaha ay haysteen, sida wax soo saarka beeraha ama xoolaha, si ay u helaan badeecooyin kale. Tusaale ahaan, qofka haysta cows wuxuu cowska ku badalan jiray xoolo ama dhar, iyadoo aan wax lacag ah dhex imaan, ama koob caano ah baa waxaa ku soo badalanaysaa kiilo hilib ah. Nidaamkan waxaa ku yimi caqabad, taas oo ahayd in la isku afgaran waayay qiimaha saxda ah ee alaabaha la isku badalanaayo. Tusaale kiilo tufaax ah, iyo kiilo yaanyo ah tee qiimo badan, sidee la isugu dheeli tiri karaa? Caqabadaha noocaan ah mar yimaadeen ayaa loo baahday in laga guuro, oo nidaam kale la samaysto. 2. Gold Standard (700 BC) Marxaladdan waxaa soo baxay isticmaalka dahabka oo beddelay barter-ka. Dahabkuna wuxuu noqday lacag qiimo badan leh, iyadoo dadku ay alaabtooda ku iibsan jireen dahab. Waxa kale oo suurtagal noqotay in dadka dahabkooda ku beddeshaan badeecooyin ama adeegyo. Nidaamkani wuxuu sii kobciyay ganacsiga iyo dhaqaalaha. Nidaamka dahabka caqabadii soo wajahday isaga waa ay badnayd, se waxaa kamid ahayd inaan la safrin karin, oo kiilo dahab ah intaa boorsada ku ridato lama safri karto, oo waaba laguugu dili karaa. 3. Paper Money (618-907 M - Waqtigii Boqortooyadii Tang ee Shiinaha) Paper Money ama lacagta waraaqaha ah ayaa markii ugu horeysay laga soo saaray Shiinaha. Fikraddu wax ay ahayd in dadku ay dahabkooda bangiga dhigtaan oo halkii dahabka ay isticmaali lahaayeen, ay waraaqo saxiixan oo dayn ah ku qaataan, waxay u fududeysay ganacsiga. Lacagahaas waxaa ku qornaa "I.O.U" taas oo macnaheedu yahay bangigu wuxuu kuu haya dahab qiimo u dhigma waraaqdaas. Fikraddu waxay ahayd in waraaqahan loo isticmaalo ganacsiga iyo wax kala iibsiga, halkii si toos ah dahab wax loogu kala iibsan lahaa. Caqabada waxay ahayd in mararka qaar bangiyadu ay daabacaan waraaqo badan oo aan laheyn wax qiime dahab ah oo dhab ah, taas oo keentay in dadka kalsoonidii ay bangiyada ku qabeen ay lunto. 4. Gold Standard (1879 - Standardization of Gold-Based Currency) Marxaladdan waxaa la dhisay nidaamkii Gold Standard, kaas oo micnihiisu ahaa in lacagta dawladu soo saarto ay la jaanqaadi lahayd dahab xadidan. Dowladaha waxay ballan qaadayeen in lacagta ku jirta bangigooda ay si buuxda u taageerto qiimo dahab ah oo bangiyada dhexe ku kaydsan. Nidaamkan wuxuu isku dayay inuu hagaajiyo qiimaha lacagaha oo aan ahayn mid iska kacaya oo hoos u dhacaya. Laakiin dowlado badan, sida Maraykanka, waxay ku xadgudbeen nidaamkaas iyagoo daabacay lacag aan u dhigmin dahabkii ay heysteen, waana tan sababtay burburkii system-kaa. 5. Bretton Woods Agreement (1944) Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, waxaa la qabtay shirkii Bretton Woods, kaas oo lagu dajiyay nidaam cusub oo lacageed. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay 730 wakiil oo ka socda 44 waddan. Ujeedka shirka wuxuu ahaa in la dhiso nidaam cusub oo lacagta caalamiga ah, iyadoo dollar-ka Maraykanka lagu xiraayo dahabka. Nidaamka Bretton Woods wuxuu go'aamiyay in dollar-ka uu noqdo lacagta kaliya ee dahabka lagu iibsan karo, waxaana la abuurtay hay'ado caalami ah sida Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) si loo taageero nidaamka cusub. Qodobada muhiimka ah ee lagu heshiiyay waxaa kamid ah: 1. Qiimaha dollar-ka waxaa lagu jaangooyay qiimaha dahabka. 2. Saliidda caalamka waxaa lagu kala iibsanayaa kaliya lacagta dollar-ka. 3. Dollar-ka wuxuu noqday mid asaas u ah lacagaha kale ee caalamiga ah, sarifka lacagaha adduunkuna waxaa lagu jaangooyay dollar-ka. 6. Plastic Cards (1950s) Kadib markii la hirgeliyay nidaamka Bretton Woods, waxaa soo ifbaxay kaararka caagga ah (plastic cards), sida credit cards, oo dadka u fududeeyay inay si raaxo leh u isticmaalaan lacagtooda iyagoo aan dahab ama waraaqo sidan. Waxay ahayd tillaabo weyn oo lagu kobcinaayo nidaamka lacag bixinta ee casriga ah. 7. Nidaamka Lacagaha Casriga ah Sanadihii dambe, nidaamka lacageed wuxuu u wareegay isticmaalka lacagaha elektarooniga ah iyo nidaamyada cusub ee dijitaalka, sida lacagaha kala duwan ee kaashka ah (fiat currencies) oo aan dahab ku tiirsaneyn. Lacagaha sida Bitcoin iyo blockchain technology ayaa iyaguna soo if-baxay, kuwaas oo hadda kaalin weyn ka ciyaaraya nidaamka lacageed ee caalamiga ah. Nidaamkan cusub wuxuu meesha ka saaray tii hore ee lagu saleyn jiray dahabka, waxaana lacagaha casriga ah (fiat) si gaar ah loogu tiirsan yahay kalsoonida dowladda iyo dhaqaalaha waddamadda. ------------------------------------------------- 1. BC: Before Christ ( ka hor dhalashadii Nabi Ciise Calyhi salaam)
Ibrahim Omer tweet media
Filipino
3
11
94
4.7K
Abdinur Ali retweetledi
Abdalla Way
Abdalla Way@Abdallawey·
Asxabta gaarsii. Horumarka saxda ah waxa ka cawin karo 👇🏾 Success. 5% IQ. 5% Creativity. 45% Consistency. 45% Avoiding distractions. Mar-marsiyada jooji ee dadaal. Focus 🎯 yeeelo. Retweet ku samee.! Thanks 🙏🏾 #somalifinance #abdallaway
Abdalla Way tweet media
Indonesia
9
21
125
5.8K
Abdinur Ali retweetledi
Ibrahim Omer
Ibrahim Omer@Ibra_Omar101·
Waxaa jira dhowr calaamadood oo laga eego marka la saadaalinayo horudhaca jarista rate-ka dulsaarka: 1. Xogta Dhaqaalaha: Bangiyada dhexe waxay fiiriyaan xogta dhaqaale ee hadda jirta sida heerka shaqo la'aanta, heerka kobaca dhaqaalaha (GDP), iyo heerka sicir-bararka. Haddii sicir-bararku uu yahay mid hooseeya, sidoo kalena shaqo la'aantu ay korodho, waxaa laga yaabaa in dulsaarka la dhimo si loo dhiirrigeliyo kobaca dhaqaale. 2. Hadallada Bangiyada Dhexe: Hadallada hoggaamiyeyaasha bangiyada dhexe sida Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve) waxay bixin karaan tilmaamo ku saabsan qorsheyaasha mustaqbalka ee dulsaarka. Haddii ay muujiyaan in dhaqaalaha uu daciif yahay, waxaana laga yaabaa inay qorsheynayaan inay dulsaarka hoos u dhigaan. 3. Suuqyada Maaliyadeed: Suuqyada saamiyada iyo suuqyada sarrifka lacagaha waxay sidoo kale saameyn ku yeelan karaan go'aanka jarista dulsaarka. Haddii suuqyada saamiyadu ay si weyn u dhacaan, waxaa laga yaabaa in bangiyada dhexe ay hoos u dhigaan dulsaarka si ay u taageeraan dhaqaalaha. 4. Xaaladda Caalamiga ah: Dhaqaalaha caalamiga ah iyo xaaladaha siyaasadda waxay sidoo kale saameyn karaan go'aannada dulsaarka. Tusaale ahaan, xiisadaha ganacsi ee u dhexeeya dalalka ama xaaladaha dagaaladda ayaa sababi kara in dulsaarka hoos loo dhigo si loo xakameeyo saameynta taban ee dhaqaalaha. 5. Saadaasha Suuqyada: Marka la eego suuqyada mustaqbalka ee dulsaarka, maalgashadayaashu waxay ka eegaan suuqyada futures-ka iyo swap-ka si ay u fahmaan waxa la filan karo. Haddii suuqyadan ay muujinayaan in dulsaarka hoos loo dhigi doono, waxaa jirta filasho in go'aankaas la qaadan doono. Haddii calaamadahaan iyo saadaasha dhaqaalaha ay muujinayaan xaalad hoose oo dhanka dhaqaalaha ah, waxaa laga yaabaa in bangiyada dhexe ay go'aansadaan inay hoos u dhigaan dulsaarka si ay u xoojiyaan dhaqaalaha.
Ibrahim Omer tweet media
Indonesia
2
8
30
1.8K
Abdinur Ali retweetledi
Ibrahim Omer
Ibrahim Omer@Ibra_Omar101·
Haddii Fed (Federal Reserve) uu 0.5% rate-ka jaro, waxaa loola jeedaa in Federal Reserve uu hoos u dhigay heerka dulsaarka (interest rate) wax yar. Hoos u dhigidda heerka dulsaarka waxay si toos ah u saameysaa dhaqaalaha, iyada oo la rabo in la dhiirrigeliyo ama la xakameeyo dhaqaalaha guud. Hoos u dhigista dulsaarka waxay badanaa leedahay saameynno dhowr ah: 1. Amaahda oo Raqiista: Bangiyadu waxay heli karaan lacag dheeraad ah oo raqiis ah si ay u amaahiyaan dadka. Taas macnaheedu waa in dadka iyo ganacsiyadu ay heli karaan amaah raqiis ah, taasoo dhiirrigelinaysa kharash-gareynta iyo maalgashiga. 2. Kobaca Dhaqaalaha: Qiimaha hoose ee dulsaarku wuxuu caawiyaa koritaanka dhaqaalaha maadaama amaahda ay noqonayso mid sahlan, ganacsiyaduna waxay u badan tahay inay kordhiyaan wax soo saarka, kadibna shaqo abuurkaa ayaa kordhaya. 3. Qiimaha Lacagta oo Hoos U Dhaca: Hoos u dhigidda dulsaarka waxay keentaa qiimo jabinta lacagta doolarka. Tanina waxay faa'iido u yeelan kartaa wax dhoofinta (export), sababtoo ah alaabooyinka Ameerika waxay noqonayaan kuwo jaban oo tartan badan ku leh suuqyada caalamka. Fed wuxuu inta badan isticmaalaa siyaasaddan si uu u xakameeyo sicir-bararka ama uu u dhiirrigeliyo dhaqaalaha marka uu hoos u dhacayo.
Ibrahim Omer tweet media
Filipino
1
7
40
2.9K
Abdinur Ali retweetledi
Ibrahim Omer
Ibrahim Omer@Ibra_Omar101·
Dollar-ka (qaybtii koowaad) Maxaa lacagta dollar-ka ka dhigay lacagta adduunka ugu adeegsiga badan? Marka hore aan ogaano inaanay lacagta dollar-ku ahayn lacagta ugu qaalisan adduunka, waxaana ka horeeya ilaa iyo sideed lacagood oo dollar-ka ka qaalisan, waxaana kaalinta koowaad ku jirta lacagta diinaarka ee waddanka Kuwait oo loogu yeer kuwaiti Dinar (KWD), 1KWD waxay u dhigantaa $3.25 (USD), waxaa iyana ku xigta lacagta Bahrain oo iyana sidaasoo kale loogu yeero Bahraini Dinar (BHD), halkeeda Dinar-na waxay u dhigantaa $2.65 (USD). Haddii aynu guudmar ku samayno lacagta dollar-ka taariikhdeeda, sannadkii 1792 ayaa si rasmi dollar-ka loo aqoonsaday inay tahay lacagta rasmiga ah ee dalkaasi Maraykanka (USA), se waqtigaas waxaa jiray lacago kale oo waddankaas laga adeegsan jiray ayna kamid ahaayeen lacagaha Mexico iyo Spain. Markii la soo gaaray sannadkii 1857-dii ayaa si rasmi loo jaangooyay go'aan markaa meesha ka saarayay dhammaan lacagihii kale ee laga adeegsanaayay waddanka markaas. Sannadkii 1861-dii ayaa markii ugu horaysay la daabacay lacagta dollar-ka ee waraaqaha ka samaysan oo markaas loo bixiyay dollar-kii cagaarnaa maadaama uu midabkiisu cagaar ahaa, waxaan daabici jiray shirkado gaar loo leeyahay ilaa iyo sannadkii 1890-kii, oo ay wasaaradda khasnada Maraykanku (USA) ay la wareegtay daabicidda iyo maamulidda lacagta dollar-ka, waxaana intaa wixii ka dambeeyay dowladda Maraykanku ay fursad wayn heshay wixii ka dambeeyay dagalkii labaad ee adduunka oo markaas ay noqotay quwad ganacsi. Dagaalkii labaad ee adduunka ayaa dhammaaday, Maraykankuna wuxuu ka baxay dagaalka isga oo aan faa'ido mooyaane wax khasaaro ah aan la kulmin maadaama uu dagaalka ku soo biiray markii uu dhammaanaayay, wuxuuna lacago dayn ah siiyay dalalkii ay markaas dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka oo ay kamid ahaayeen Uk, France, iyo German. Waxaana dhammaadkii dagaalka la qabtay heshiisyadii ugu muhiimsanaa taariikhda, heshiiskaas ayaana bilow u noqday inuu dollarku yeesho awoodda uu lee yahay maanta. La soco qaybta labaad..... #dollar
Ibrahim Omer tweet media
Filipino
0
2
38
1.8K
Abdinur Ali retweetledi
Ibrahim Omer
Ibrahim Omer@Ibra_Omar101·
Dollar-ka (qaybtii labaad) Lacagta dollar-ka waxaa loo yaqaanaa inay tahay World reseve currency (kayd-ka asaasiga ah ee lacagaha dunidda), hadaba sidee buu heerkaas ku gaaray dollar-ku? Maxaase loogu adeegsadaa lacagta dollar-ka wax walba oo la adeegsanayo, ama la kala gadanayo? Lacagta Bond-ka ee dalka Uk ayaa qarnigii 19 waxay ahayd lacagta kaydka asaasiga ah, waxayna ahayd lacagta markaasi ugu awoodda badan, laakin waxaa wax walbaa is badaleen dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana dunida qabsatay dhaqaale xumo saa'id ah, lacagta bond-kana dhulka ayay gashay maadaama boqortooyadda Ingriisku ay isticmaashay dhammaan kaydkii u yaalay dhaqaale xumo ba'an oo soo foodsaartay owgeed, si arrintaas looga hortagona waxaa la qabtay shir badalli doona dhaqaalaha Maraykanka, lacagta dollar-ka u noqon doona bilowga guusheedda. Sannadkii 1944-kii ayaa waxaa la qabtay shirkii loogu magacdaray (Bretton Woods Agreement), waxaana ka soo qayb galay 730 wakiilo ah, oo ka kala socda ilaa iyo 44 waddan, oo markaas la isku oran jiray wadamaddii gaashaanbuurta. Shirkaani yoolkiisu wuxuu ahaa in la isku afgarto qaabka cusub ee markaas loo maamulayo lacagaha adduunku ay yeelanayaan, si dib dib loogu dhiso markaas dalalkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka. Waxaa shirkaas lagu dajiyay nidaam lacageed oo caalami ah, sharciyo iyo qaanuuno ay ku dhaqmi doonaaan dhammaan dalalka caalamka, si looga gudbo dhaqaale xumada markaas soo foodsaartay adduunka. Sharciyaddii markaas la dajiyayna waxaa kamid ahaa qodobadatan:- 1: in qiimaha dollar-ka lagu jaangooyo qiimaha dahabka, sidoo kale lacagta kaliya ee dahabka lagu iibsan karona ay noqoto lacagta dollar-ka, lacago kale waa la ogolyahay in lagu iibsado dahabka, se qiimahiisa ayaa saa'id kuugu noqonaaya maadaama dollar-ka iyo dahabka la isku xiray. 2: in saliidda adduunka kaliya lagu kala iibsan karo lacagta dollar-ka. 3:In la samaeeyo sanduuqa lacagta adduunka, kaas oo loogu talagalay inuu lacago daymiyo dalalka xubnaha ka ah ururkaasi, waana meelaha Maraykanka fursadahiisa bilowga u haa. 4: in saliidda iyo shidaalka lagu iibsado dollar-ka oo kaliya. 5: in dowlad walba ay isticmaasho lacagta dollar-ka haddii ay wax soo iibsanayaan ama ay iyagu dibadda wax u iib gaynayaan. (export&inport) 6: in sarifka lacagaha adduunka lagu base gareeyo lacagta dollar-ka, oo haddii aad maaanta safar gasho oo aad rabto inaad waddan kale lacagtiisa aad ogaato rate-keeda waxaad ku qiimaynaysaa dollar-ka. Hadaba, heshiiskaas weeye meesha ay ka soo bilaabmatay awoodda dollar-ka, Maraykana, sidoo kale awoodiisa ayaa soo siyaaday Maraykanka mid dhaqaale iyo mid ciidanba, maadaama lacagtiisa meel walba laga isticmaalayoo, Maraykankuna waxay bilaabeen inay lacagtooda u adeegsadaan qaab siyaasadeed, oo wadamadda uu dagaalka kula jiro ayuu bilaabay inuu ku cunaqabateeyo lacagtiisa maadaama uu maamulayo dhaqaalihii adduunka. Halkaas ha inoo joogto.
Ibrahim Omer tweet media
Filipino
0
4
38
2.4K
Abdinur Ali retweetledi
Ibrahim Omer
Ibrahim Omer@Ibra_Omar101·
Dhammaadka dollar-ka (qaybtii sadexaad) Waxay hadda u muuqataa inay 80 sanno kadib soo dhammaatay qiimihii uu dollar-ku adduunka ku lahaa, awoodda Maraykankuna waxay noqon doontaa mid halkaas ku soo idlaata. Soomaaliya dhibaato intee le'eg ayaa laga yaabaa inay soo wajahdo maadaama maanta dollar-ku yahay lacagta koowaad ee waddanka? Ururka BRICS waa urur ka kooban shan waddan oo isku tagay, laakiin ay hadda ku soo biireen shan waddan oo kale, sidoo kale waxaa wadada ku soo jira ilaa iyo dhowr kale oo dhawaan ku soo biiraya. Urukaani wuxuu %80 maamulayaa saliidda adduunka, sidoo kale %46 dadka adduunka ayaa waxay noqonayaan kuwa ka tirsan dowladahaan isku tagay. Qorshohooda u wayni waa inay isticmaalaan lacag u gooni ah oo ay u adeegsadaan ganacsiga iyo dhaqaalaha ka dhaxeeya wadamadaan, si ay dollar-ka meesha uga saaraan, waxa ugu muhiimsan ay doonayaan inay ku kala iibsadaana waa saliidda iyo shidaalka. Dollar-ku maanta waa lacagta kaliya ee lagu kala iibsado saliida iyo shidaalka waana lacagta kaliya uu waddan walba isticmaalo oo uu u adeegsado wax kala iibsado. Tusaale ahaan haddii laba waddan uu kala iibsi dhexmaraayo lacagta kaliya ee ay adeegsanayaan waa dollar-ka. Shirwaynihii ururka BRICS ee sannadkii tagay lagu qabtay waddanka South Africa ayaa waxaa madaxwaynaha dalkaasi si rasmi xilligaas ugu dhawaaqay in wadamaddii cusbaa ee markaas ku soo biiray ay si rasmi ah ururkaas uga mid noqonayaan. Madaxwaynaha dalka Barazil ayaa isna si wayn u doonaayay inuu waddanka Argentine uu ku soo biiro ururka BRICS. Waxaa siddoo kale sannadkaas ku soo biiray ururka qayb kamidda wadamadda carabta oo ah halka uu ka soo baxo shidaalka & saliidda ugu badan ee adduunka, sidoo kale Ruushka iyo Iiraana oo ah laba dal oo saaxiibo ah, oo ay is hayaan dalkaasi Maraykanka ayaa kamida wadamada kamid noqday ururkaan. Dalka China oo isna ah dal dhaqaale ahaan saamayn ballaaran ku leh adduunka ayaa kamida kuwa ku soo biiray, sidoo kale Ethiopia oo iyana sannadahaan dambe dhaqaale haan aad u kobcaysay ayaa ku soo biirtay. China wuxuu heshiisiiyay wadamadda Iiran iyo Sucuudiga oo ahaa wadamo aad isku neceb oo siyaasadahoodu aad iskaga soo horjeedaan, taasina waxay dhabarjab ku noqonaysaa waddanka Maraykanka oo ay aad isu hayaan China iyo Iiraan sidoo kale uu saaxiib dhow la ahaa Sucuudiga. Sucuudigu waa waddanka koowaad ee soo saara saliidda, caalamka intiisa badanina isaga ayay saliidda ka iibsadaan, hadaba wadamadaas BRICS ku midoobay waxay hashiis la saxiixdeen Sucuudiga, heshiiskaasina wuxuu dhigayaa inay dhammaan wadamadaasi lacagahooda ku iibsadaan saliidda Sucuudiga si meesha looga saaro dollar-ka Maraykanka maadaama sharciga caalamiga ah dhigaayo in shidaalka kaliya lagu iibsan karo dollarka, Sucuudiguna haddii uu heshiiskan hirgaliyo waxa uu Maraykanku lankulmi doonaa dhaqaale burbur xooggan maadaama ay lacagtiisu ahayd tan kaliya ee shidaalk iyo saliidda lagu kala iibsado. Ruushka iyo China waxay sidoo kale saamayn aad u ballaaran ku yeelanayaan wadamadda Africa, oo China wuxuu mashaariic ballaaran ka fulinayaa qaaradda Africa, sidoo kale Ruushkuna waxay wadamadda Africa ka cafiyeen lacag dayn ah oo qiimaheedu dhan yahay $20B (labaatan bilyan oo dollar) si ay u soo jiitaan wadamadda Africa. Majaladda New York Times ayaa waxaa lagu daabay maqaal uu ciwaankiisu ahaa "siduu Putin halyey uga noqday wadamadda Africa", maqaalkaan isaga qoraal kale ayuuna ku falan qayn doona, se sidaa ka fahmaysaanba wa inay awoodii Maraykanka ee Africa ay qiilqiil ku jirto, waxaana waayadaan dambe arkayn qaybo kamida wadamadda Africa oo iska saaray Maraykan, booskiisiina ku badalanay Ruushka. Haddii ay meesha ka baxdo lacagta dollar-ku, Soomaaliya waxaa soo wajihi doona dhaqaala xumo aad u ballaran oo ay adkaandoonto sida ay uga soo kabtaan maadaama Soomaaliya hadda aan laga isticmaalin shilin Soomaaliga (SOS), oo uu waddanka oo dhami ku tiirsan yahay dollar-ka, haddii ayna dowladda Soomaaliya ka hortagina ay noqon doonto musiibo wayn oo ku habsata dhaqaalaha Soomaaliya. Ugu dambayn in uu isticmaalka dollar-ku adduunka laga istaajiyo wax goordhow dhici doona maahan, oo wakhti ayay qaadan doontaa, sababtoo ah dhaqaalihii adduunka oo dhan iyaga ayaa gacanta ku haya, xitaa haddii lacagta dollar-ku gacantooda ka baxdo dhaqaalaha iyaga ayaa sii haysan doona. Shirkadaha dunidda ugu waawayn, brand-yadda caalamaga ah, high tech componeyska, dhammaantood waxay ku yaalaan waddanka Maraykanka, ayaga ayayna gacantooda ku jirtaa, taas oo keenaysa wali inay sii maamuli doonaan dhaqaalaha iyo ganacsiga adduunka. Lacagta dollar-kana ka bixitaankeeda suuqa wakhti ayay qaadan doontaa, se inay sicir brar la kulanto waa mid markasta la filan karo. #dollarcollapse
Ibrahim Omer tweet media
Eesti
5
5
47
2.8K
Abdinur Ali retweetledi
CoinGecko
CoinGecko@coingecko·
Key Dates to Watch in September 🗓️ 10 Sep - US Presidential Debate 11 Sep - #CPI Data Release 12 Sep - #PPI Data Release 18 Sep - #FOMC Meeting 29 Sep - @cz_binance Release Date What dates are you watching?
English
561
504
2.1K
214.3K
Mohammed.M
Mohammed.M@moha_m101·
Argagax ayaa ka bilaabmay suuqa crypto iyo meelo kale ka dib furitaanka suuqa Japan iyo hoos u dhaca weyn ee index Nikkei Bloomberg ayaa sheegtay in suuqa Japan uu si rasmi ah u galay isbeddel hoos u dhac ah
Mohammed.M tweet media
Indonesia
3
2
44
3K
CRYPTO THRO
CRYPTO THRO@CryptoThro·
Accumulating #1000x gems 💎 CRYPTO COIN LIST FOR NEXT BULL RUN 🚀🚀 $BOND $RET $BETA $DINO $VRA $ALCX $PEPE $GORK $BONK $HOLD $POND #DroverInu #Pepe2 $WEB $HOT $GEO $WSM $WTC $DEXO $FLOKI $ZRX #MyGarage $WAXP $KLAY $VGX $BBOX $AIX $BXBT What else?? 👇
English
286
33
111
15.2K