Asad Adaani Ibrahim

9.5K posts

Asad Adaani Ibrahim banner
Asad Adaani Ibrahim

Asad Adaani Ibrahim

@asadadaani

Somali Academic أكاديمي صومالي

Katılım Mayıs 2012
1.1K Takip Edilen2.7K Takipçiler
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Shirkii Addis Ababa Soomaalida loogu qabtay intii u dhaxaysay 15-27 Maarso sanadkii 1993kii Cigaal wuxuu u hanjabay sadex urur oo Shirkaa ka qayb galayey.Cigaal markaa wuxuu ka qayb galayey shir Boorame ka socday oo ahaa shirkii loogu doortay madaxweyne in uu ka noqdo maamulka Hargeysa ,Isagoo Beddelay Cabdiraxmaan Tuur, Sadexdaas Urur yey kala ahaayeen? Isla intii shirku socday waxa dagaalo shirka hakiyey ka dhaceen magaalada Kismaanyo, yey Dagaaladaasi dhexe mareen, markaasna yaa Kismaanyo gacanta ku hayey, yey ahaayeen ciidamadii shisheeye ee dushooda lagu dagaalamay? Qodobadaas ayeynu barnaamijka "Faylasha Qarsoon Ee Taariikhda" ku soo qaadanaynaa. Faylashani waxay ka qarsoon yihiin uun dhallintii aan xilligaa joogin, inta kale kama qarsoona ee waa u xasuus. youtu.be/PV31GSsJG4I?is…
YouTube video
YouTube
Eesti
0
1
1
140
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Soomaalida iyo fikradda ay ka haystaan shidaalka. ============= Inta aynaan Soomaaliya shidaalkeeda faalayn, aynu dalalka Bariga Dhexe taariikhda shidaalkooda is dultaagno. Bariga Dhexe dalkee ugu horreeyey oo shidaal laga helay? 1. Iiraan Shidaalka waxaa laga helay 1908, dhoofintuna waxay bilaabatay 1913kii. Shirkad British ah (Anglo-Iranian Oil Company) ayaa si weyn u maamuli jirtay, iyadoo faa’iido yar dalka siin jirtay. 1951 ayaa in la qarameeyo la isku dayey, faragelin shisheeye ayaa lagu hakiyey, ugu dambayn Iiraan sanadkii 1979kii ayey shidaalkeeda si buuxda ula wareegtay. 2. Ciraaq Batroolka waxaa laga helay sanadkii 1927-kii, dhoofintuna waxay 👇👇👇👇👇 facebook.com/share/p/1GcNWK…
Asad Adaani Ibrahim tweet media
Filipino
0
0
1
49
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Haddii dagaalku sidan ku dhammaado Iiraan way guulaysatay , Yoolkeediina way ilaalisay ====== Haddii sidan xabbaddu ku joogsato Iiraan dagaalkan way guulaysatay weyse burburtay. Maraykanka iyo ISRL way guuldaraysteen siday ku galeenna way uga soo baxeen iyagoon waxay doonayeen gaadhin. Xukunkii Iiraan may beddelin, Yuraaniyamkii gacanta kumay dhigin, Gantaaladii may soo afjarin, Iiraan iyo taageerayaasheedii Bariga Dhexe may kala reebin. Iiraan midnimadeedii guduhu way xoogaysatay, hoggaamiyayaal dhallinyaro ah oo kuwii hore ka xagjisan ayay heshay. Dagaalkii ku bilawday Iiraan ayaanu beddelaynaa iyo Bariga Dhexe ayaanu waji kale u yeelaynaa wuxuu ku dhammaaday “Hormuz fura, xabbaddana aynu joojino”. Iiraan dhaawac weyn ayaa loo geystay, laakiin Maraykanku wuxuu doonayey qodob ugama hirgelin. Bacrimiintii Yuraaniyamka waa la ogol yahay, waxaana laga wadahadli doonaa inta loo ogol yahay Iiraan. Dhaqaalaheedii waxaa laga wadahadlayaa sidii loogu fasixi lahaa, si wixii burburay loogu dhisi lahaa. Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan waxay shalay muujiyeen is-garabsi siyaasi ah oo aan hore loo arag oo taariikhi ahaa, markay codka diidmada qayaxan ku taageereen Iiraan. Iiraan gantaaladeeda iyo diyaaradaheeda laga hadli maayo. Trump wuxuu ceeb ku noqday Maraykanka, qof waalan ayuu dagaalkan ku caddaaday. Dagaalkan Iiraan ayaa guulaysatay, marka laga yimaado hadalka Trump ee qiima beelay, maraakiibtii iyo hubkii uu isu keenay Iiraan kamay dhigin dawlad iyo dad is dhiiba. Nin Maraykan ah shalay wuxuu yidhi in Iiraan la tijaabiyo ayaa ba doqonimo Maraykanka ugu fulin. Iiraan juquraafigeeda ayay u adeegsatay sidii hub wax gumaada. Maraykankuna wuu is qaawiyey. Maraykanka oo Hormuz awood ku furi waayey waxay soo afjaraysaa magacii u baxay ee ahaa dawladda adduunka ugu xoogga weyn, sidii uu Kanaalka Suweys 1956kii u soo afjaray boqortooyadii Ingiriiska ee aanay qoraxdu ka dhici jirin, markii ay ku fashilmeen in ay Jamaal Cabdinaasir ka qabsadaan Kanaalka Suweys dagaalkii saddex-geesoodka ahaa ee ay ISRL, Faransiiska iyo Ingiriisku ku wada qaadeen Masar. Maalintaas ayaa Ingiriis awoodiisii adduunka lagu soo afjaray, dalalkii uu haystay ee Afrika iyo adduunyada kalena gacantiisa ka baxeen. Maanta Maraykanka waxaa gacantiisa ka baxday haybadii uu ku faani jiray oo uu wuxuu awood lahaa isugu keenay isaga iyo ISRL dalka Iiraan. Waxay doonayeenna waxay ahayd in Iiraan is dhiibto, Bariga Dhexe-na muuqaal cusub loo yeelo. Guusha Iiraan waa in ay haysato gantaaladeedii, diyaaradaheedii iyo barnaamijkeeda nukliyeerka iyo culimadeedii, isla markaana ay jabisay gidaaro hore loogu haystay in ay adag yihiin. ISRL weligeed dhibtii ku dhacday 40kii maalmood ee tagay kuma dhicin, gantaalada Iiraan maalin keliya may ka baaqan ISRL, aroor kastana Netinyahuu iyo Trump shacabkooda iyo caalamkaba been ayay u sheegayeen, ay lahaayeen gantaalada Iiraan iyo gawaadhida laga soo rido ba waanu burburinay. Dagaalkan Iiraan ayay guulaysatay, waxaana ku jabay Maraykanka iyo ISRL. Waxaana ku hoogay oo ay talo u habboon tahay dhammaan dalalka Carbeed, gaar ahaan Khaliijka, oo aanay waxba u tarin saldhigyadii Maraykanku, wadahadalkana wax qiima ah ku lahayn, dushoodana lagu dul diriray laguna dul heshiiyey. Xataa looma ogolaan in ay dhexdhexaadiyaal noqdaan. Saddex dal ayaana ka faa’iiday: Ruushka, Shiinaha iyo Bakistaan oo noqotay dawlad haybad leh. Wuxuuna dagaalkani ku joogsanayaa 10 qodob oo Iiraan soo gudbisay, oo noqon doona halka laga sii anba qaadi doono wadahadalka Pakistaan jimcaha ka bilaabmi doona.
Asad Adaani Ibrahim tweet media
Suomi
0
0
1
37
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Shirkii Addis Ababa ee qabsoomay 15.03.1993, shirka oo bilow ah maxaa dhacay? =========== Morgan ayaa Kismaanyo ka qabsaday Axmed Cumar Jees, maalintaas 👇👇👇👇👇👇👇👇 facebook.com/share/p/1CVMEu…
Asad Adaani Ibrahim tweet media
Indonesia
0
0
1
83
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Taariikhda Wargeysyada dalka Soomaaliya wixii ka danbeeyey 1991kii ayeynu ku eegaynaa barnaamijka "Fayalasha Qarsoon Ee Taariikhda". qaabkee ahaayeen wargeysyada ka soo bixi jiray magaalooyinka Burco, Boosaaso, Laascaanood, Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa. youtu.be/KcW0xF3I_TE?is…
YouTube video
YouTube
Eesti
0
0
1
299
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Saamaynta dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay dunida wuxuu aad uga soo muuqday dalalka Aasiya kuwooda ugu dadka badan, sida Hindiya, Japan, Bangaladhesh, Baakistaan, Fiitnaam, Taylaan, Sirilanka, Indoneesiya, dhammaan dalalkaas oo dhan 98% shiidaalkooda waxay ka soo iibsadaan Gacanka. Dalalkaas qaarkood iskuulladii iyo shaqaalihiiba maalmo ayaa la fasaxay, waxayna sheegeen haddii dagaalku sii socdo in ay noloshu sii adkaan doonto. Shiidaalka oo kaliya Khaliijka lagama soo dhoofsan jirin, waa jiray wax soo saar kale oo beeraha iyo dawooyinka loo adeegsan jiray oo waddamadaasu soo saari jireen oo iyaguna istaagay. Hindiya oo dawadda adduunka laga isticmaalo kaalin weyn kaga jira ayaa sheegtay in khatar weyn soo wajahan tahay. Beeralayda adduunka ayaa iyaguna sheegay in wax soo saarka adduunku halis ku jiro, gaar ahaan dalalka heer kulkoodu sareeyo. Soomaaliya iyo dagaalka Bariga Dhexe. Dawlad la’aanta iyo maamulada dalka ka jira oo aan weligood qorshe yeelan, Lawyacado ilaa Libooye marka siyaasadda dhinac layska dhigo khatar weyn ayaa ku soo wajahan Soomaalida meel kasta oo ay joogto, waa khatar aan dhayal ahayn hadduu dagaalku sii socdo. Khatartaasi waxay ka imaanaysaa shiidaalka iyo cuntada. Dalalkan Aasiya dawladahoodii ayaa qorsheyaal la yimi lagu beekhaaminayo kaydka ay haystaan, horena uga baaraan degay oo kayd shiidaal iyo kayd cuntada samaystay, haddana xaaladda marba go’aan ka gaadhay. Soomaalidu meel kasta ha joogto waxay u baahan yihiin in ay waxay haystaan beekhaamiyaan, waaba hadday haystaane.
Filipino
0
0
0
39
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Falanqaynta Xaaladda Bariga Dhexe. Dagaalka hadda socda iyo dagaaladii ka horeeyey waxay markasta saamayn ku lahaayeen deegaanka Bariga Dhexe dagaaladii Bariga Dhexe iyo xaaladihii lagala kulmay iyo kan hadda socda ayeynu is dultaagaynaa. youtu.be/FfhO3n959NY?is…
YouTube video
YouTube
Filipino
0
0
0
57
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Dalalka Gacanka Carbeed ee lixda ahi waxay isweydiinayaan dagaalka hadda socda ka hor maxaynu qabanaynay, dagaalka ka dibna maxaa inala gudboon in aan ku tallaabsano. Barnaamijkan waxaynu isku dultaagaynaa qodobadaas youtu.be/IaB7L5rn88w?is… via @YouTube
YouTube video
YouTube
Filipino
0
0
1
65
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Waa duni maalmo isku beddesha.
हिन्दी
0
0
1
151
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi ayaa booqday Sucuudiga, wuxuuna la kulmay Maxamed Bin Salmaan dhaxal sugaha Sucuudiga. Madaxweynaha Masar ayaa dhawaan booqday Imaaraadka isaga oo farriin uu ka waday Maxamed Bin Salaam Gaadhsiiyey madaxweynaha Imaaraadka Maxmed Bin Zayid. Qodobada ugu muhiimsanaa ee la gaadhsiiyey Maxamed Bin Zayid waxaa ugu muhiim sanaa in uu booqasho ku tago Sucuudiga, in uu joojiyo faro gelinta uu ka wado dalalka Suudaan, Yemen iyo Soomaaliya sida uu qoray Wargeyska Al-Akhbaar ee dalka Lubnaan ka soo baxa isaga oo xiganaya xubno aad ugu dhow madaxweynaha Masar Al-Siisi. Safarkan ayaa isaguna daba socda safarkii uu Al-Siisi ku tagay Imaaraadka ee uu isaga dab qaadayey labada dhinac.
Eesti
0
0
1
121
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
لاسقري الصومالية... بوابة استراتيجية نحو خليج عدن والبحر الأحمر ================= في ظل التطورات المتسارعة التي تشهدها منطقة القرن الأفريقي، وتحديداً في سياق العقود الدفاعية والتنموية الأخيرة التي أبرمتها دولة الصومال مع عدد من القوى الإقليمية والدولية، برزت أنباء شبه مؤكدة تشير إلى أن مدينة لاسقري الصومالية هي مرشح رئيسي لإقامة قاعدة بحرية عسكرية تركية تهدف لتأمين خليج عدن والبحر الأحمر. وتندرج هذه التحركات ضمن استراتيجية تركية شاملة تسعى لتعزيز نفوذ أنقرة في هذه المنطقة الحيوية، والمنافسة مع قوى دولية أخرى تسعى لموطئ قدم في هذا الممر المائي الهام. وهنا يجب تسليط الضوء على المميزات الاستراتيجية لمدينة لاسقري وما تتمتع به من رافعات اقتصادية تؤهلها للفوز بهذه الفرصة الاستثمارية والدفاعية الكبرى. alaraby.co.uk/economy/%D9%84…
العربية
0
1
1
144
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Loolanka Geeska Afrika: Dhiiranaanta Masar, Iyo Qoraal Ay Arrintaa Ka Soo Saartay ========== Masar ayaa mar kale adkaysay inay diiddan tahay isku day kasta oo ka yimaadda dalal ama dhinacyo aan ku teedsanayn Badda Cas oo doonaya inay door ku yeeshaan maamulka marrinda muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badad Cabdicaadi, oo kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in nidaaminta iyo maamulidda Badda Cas ay tahay arrin u gaar ah oo ku kooban dalalka xeebaha ku leh baddaas oo keliya, isaga oo aan magacaabin dal gaar ah, hasa yeeshee ay iska caddahay in uu u jawaabayo Abiy Axmed oo shirkii midowga Afrika ka sheegay in aysan Itoobiya ka tanaasulin aragtideedii ahayd in ay badda gaadho. Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar, Cabdilcaadi wuxuu carrabka ku adkeeyay in Qaahira si buuxda uga soo horjeedo in cid aan badahan xidhiidh la lahayn isu soo bandhigto in ay qayb ka noqoto maamulidda Badda Cas. Wuxuu tilmaamay in Masar ka shaqaynayso dhaqaajinta mawqifka dalalka Carabta iyo dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si loo xoojiyo iskaashiga, loona dardargeliyo horumar waara, lana sugo amniga iyo xasilloonida gobolka. Hadalladan ayaa ku soo beegmay xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ka hadlay furitaanka shir madaxeedka Midowga Afrika ee laysugu yimi Addis Ababa, isaga oo ku adkaystay in dalkiisa oo aan bad lahayn uu u baahan yahay marin badeed. Arrintan ayaa dhalisay falcelin adag oo ka timid warbaahinta dalka Masar, iyadoo weli ay taagan tahay khilaafka u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa ee la xdhiidha biyo xidheenka Wabiga Niil dhinaca Itoobiya. Masar ayaa hore waxa kale oo ay u diiday go’aan ka soo baxay ISRL oo ay ku aqoonsanaysay maamulka Hargeysa, waxayna Masar u aragtay in ay doonayso ISRL in ay gaadho marinka Baab Almandab, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxaa iyaguna arrintan ka hor yimi Sucuudiga iyo Turkiga. Masar waxay sidoo kale muujisay taageerada ay u hayso dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, iyada oo ay Masar ka shaqaynayso maalgelin ku filan oo joogto ah, waxayna Masar dhinaceeda ka diyaarisay ciidamo iyo qalab ay Soomaaliya u dirayso. Wasiir Cabdicaadi wuxuu ku adkeeyay qoraalka uu saaray muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana in la diido abuurista maamulo barbar socda dawladaha sharciga ah.. Kulanka Wasiir Cabdicaadi iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxmuud Cali Yuusuf waxa kale oo lagaga hadlay khilaafka u dhexeeya Masar iyo Suudaan oo dhinac ah, iyo Itoobiya oo dhinaca kale ah, oo salka ku haya buuxinta iyo hawlgelinta biyo-xidheenka Wabiga Niil dhinaca Itoobiya oo dhismihiisu bilowday 2011. Qaahira iyo Khartuum waxay ku adkaysanayaan in marka hore la gaadho heshiis saddex geesood ah oo sharci ahaan waajib ah si loo ilaaliyo amniga biyaha ee labada dal, halka Itoobiya ay ku doodayso inaan loo baahnayn heshiis noocaas ah, isla markaana aysan damacsanayn inay waxyeello u geysato dal kale. Wadahadallada arrintan la xidhiidha ayaa hakad galay muddo saddex sano ku dhaw .
हिन्दी
0
2
1
140
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
أرسلت تركيا شحنات من الأسلحة وسفنًا حربية إلى الصومال، في خطوة تقول مصادر مطلعة إنها تأتي في إطار تعزيز التعاون العسكري بين البلدين، وسط ترتيبات أمنية متصلة بالمياه الإقليمية الصومالية. ويأتي هذا التحرك في وقت تشهد فيه السواحل الصومالية أنشطة متزايدة مرتبطة بعمليات استكشاف الموارد الطبيعية، بما في ذلك مشاريع التنقيب عن النفط في البحر، وفق ما أفادت به مصادر محلية. وبحسب تلك المصادر، فإن الخطة تهدف إلى توفير حماية أمنية للمنشآت ومواقع التنقيب البحرية، في ظل مساعٍ حكومية لتعزيز الاستقرار وضمان سلامة الاستثمارات في قطاع الطاقة.
العربية
0
1
0
124
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun waxaa caawa Adis Ababa ku geeriyoodey ilaahay hawnaxariistee abwaankii weynaa ee Yuusuf Maxamed Cabdilaahi Aar (Yuusuf Suusle). Yuusuf wuxuu ahaa abwaan bulshadiisu jeceshahay, taariikh mugweyna ku lahaa. Ilaahay hawnaxariisto Abwaan Yuusuf Suusle, dhammaan ehelkiisii iyo Asxaabtiisiina samir iyo imaan haka siiyo.
Asad Adaani Ibrahim tweet media
Suomi
3
4
12
667
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Xaaladdan ayaa ka taagan Gobolka Awdal ee galbeedka Soomaaliya, Malayshiyada “ Somaliland” ayaa dagaalka qayb ka ah
Filipino
2
1
7
395
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
Markabkii Shiidalka Badda Soomaaliya qodi lahaa oo Turkiga ka soo shiraacday. ======= Soomaaliya Dublumaasiyadda guulo waaweyn ayey ka soo hoysay, haddana waxaa fulinteedii lagu dhaqaaqay sidii khayraadka dalka ceegaaga loo soo saari lahaa
Filipino
8
12
49
2.2K
Asad Adaani Ibrahim
Asad Adaani Ibrahim@asadadaani·
اندلعت اشتباكات عنيفة صباح اليوم في عدة مناطق بإقليم أودال، في أقصى غرب الصومال، حيث أظهرت تسجيلات مصوّرة من المنطقة استخدام أسلحة ثقيلة في القتال. ويُعرف الإقليم بأن غالبية سكانه تؤيد وحدة الصومال. وكانت المنطقة قد شهدت خلال الفترة الماضية احتجاجات دعماً لوحدة البلاد ورفضاً للإدارة التي تعلن الانفصال في هرجيسا. @QatarNewsAgency @saudi_mf @SBAgOVSA @SPAregions @alekhbariyatv @saudiatv @KSAMOFA @QF @TurkishCentury @oman1_news @Rassa_Oman @OmanNewsAgency @OmanTVGeneral @omantvnews @DAILYITTEFAQ @EgyptNews_fr @TheSiasatDaily @DailyNewsEgypt @BJI_Official @mediaindonesia @dailystarnews @CounterMediaPk @lassecgen @AlArabiya_Eng @AlJazeeraWorld @zeteo_news @ajplus @AlwatanNews24 @aleqtisadiah @Almadinanews @aawsat_eng @Saudi_Gazette @Okazonline @MOFKSA @QNAEnglish @YemenNewsToday @trtworld @trtafrika @MasarNews @AJArabicnet @QF @MBA_AlThani @MOFA_qatar_EN #Arab #Muslim #Islam #Arabs #Muslims #MiddleEast #MENA (Middle East and North Africa) #ArabMedia #SaudiArabia #Egypt #YemenWar #WorldAffairs
العربية
0
3
7
194