Office of National Security retweetledi

Ku Simaha Kaaliyaha Xog-Hayaha Guud ahna Madaxa @UNSOS_, Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai ayaa maanta la kulantay La Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Danjire @HagiAwesAhmed.
Kulanka oo ka dhacay @TheVillaSomalia, #Muqdisho ayaa diiradda saaray wada-shaqeynta xooggan ee u dhaxeysa labada dhinac, taageerada saad ee UNSOS ay siiso Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, iyo dadaallada isku dubbaridka khayraadka ee loogu talagalay Sanduuqa Maaliyadeed ee Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, xilli ay jiraan caqabado maalgelinta iyo hawl-fulinta la xiriira.
Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyey muhiimadda sii xoojinta iskaashiga u dhaxeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya (#DFS) iyo UNSOS si sare loogu qaado kalaguurka amniga Soomaaliya loona xoojiyo karaanka qaranka ee ku aaddan helidda nabad waarta iyo xasilooni.



Filipino







































